 |
 |
 |
Afhayenka Hawiye |
 |
Afhayeenka beelaha
Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali |
Siyaasiga Hawiye |
 |
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan. |
New S.Y.L |
 |
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L
Cawaale |
|
Latest Update:
Thursday, December 13, 2007 4:21 PM
|
|
|
Xafiiska Warfaafinta ee Isbaheysiga oo been la
dhoodhoobay ku tilmaamay tiradii ay tiradi ay la yimaadeen garabka
shariifyada.
July ,01.2008 (HawiyeNews.com)
Xafiiska Warfaafinta ee Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa been
la dhoodhoobay ku tilmaamay tiradii ay sheegteen garabka shariifyadda
ee sheegtay inay kala fadhigii labaad ee xubnaha golaha dhexe ku
yeesheen DJabouti.
BEENIN WARAR BEEN ABUUR AH OO KU SOO BAXAY WEBSITYADA SOOMAALIDA.
Waxaan aad uga xunnahay iyadoo aan nahay dad muslim ah in aan faafino
warar been abuur ah oo xaqiiqda ka fog taasoo aan ula jeedno koox ka
baxsatay Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya garab maray axdigii
isbahaysiga oo ku salaysnaa in kitaabka alle lagu maamulo dalkeena
hooyo lagana xoreeyo cadowga sida gardarada ah ugu soo duulay.
Beenta aan geedka lagu gaban oo ay faafiyeen kooxdaasi waxaa ugu
dambaysay in ay faafiyeen in ay ka fureen shirkii golaha dhexe dalka
Jabuuti oo ayna ka soo qayb galeen xubno gaaraya 150 xubnood.
Halkaan waxaan ummada Soomaaliyeed u xaqiijinaynaa in beentaa salka
iyo raadka aan lahayn oo ay caadaysteen beryahaan kooxdaa uu xaqiiqda
ka fog tahay been la soo dhoodhoobayna ay tahay. Tirada dhabta ah ee
xubnaha ka tagay Isbahaysiga dib u xoraynta eek u sugan dalka Jabuuti
ay tiradooda guud ahayd 37 iyadoo magaalada sanca ka aadeen ilaa 9
xubnood waxaan halkan idinku soo gudbinaynaa liiska magacyadooda.
Liiska xubnaha fakadka ah ee ku sugan Jabuuti.
1-Shariif Xasan Sheekh Aadan.
2- Maxamed Cabdi Yuusuf.
3- Daahir Xasn Guutaale.
4- Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nur.
5- Cisman Libaax Ibraahim.
6- Cabdirashiid Maxamed Axmed(Dirir).
7- Cabdiraxman Aadan Ibraahim(Ibbi).
8- Mustafa Ali Sheekh Maxamed.
9- Suldaan Maxamed Aways
10- Maxamed Cabdi Ibraahim(Garweyne).
11- Suuri Diiriye Carab.
12- Saleemaan Colaad Rooble.
13- Sheekh Axmed Macalim Yuusuf.
14- Maxamed Sheekh Xasan.
15- Maxamed Xuseen Saciid.
16- Maxamed Cali Xagaa.
17-Maxamed Xasan Cali(Daryeel).
18- Zakariye Maxamud Aare.
19- Axmed Cabdulaahi Xuseen(Fanax).
20- Malaaq Aadan Ibraahim(Dhaayoow).
21- Maxamed Cumar Geedi.
22- Xasan Cismaan Xuseen(Qoryooley)
23- Prof: Maxamed Cabdi Maxamed(Gaandi).
24- Axmed Diiriye Maxamud.
25- Maxamed Cali Cusmaan
26- Maxamed Cumar Maxamed.
27- Maxamed Xasan Aadan.
28- Maxamed Cabdi Maxamed.
29- Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax(Abuu Dujaana).
Intaa aan kor ku soo xusnay waa inta ku sugan Dalka Jabuuti waxaase
jira 8 qof oo kale oo ku sugan wadanka Yeman magaalada Sanca
1- Shariif Sheekh Axmed.
2- Cabdiraxmaan Maxamed Faarax(Janaqoow)
3- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
4- Axmed Cabdulaahi Sheekh Maxamed.
5- Cumar Sheekh Cali Idiris(Cumar Dheere).
6- Axmed Xasan Gaboobe(Axmed Bile).
7- Daahir Maxamud Geele.
8- Yuusuf Cali Caynte.
Xaafiiska wararka ee Isbahaysiga magaalada Asmara waxaa u xaqiijiyay
arinkaan xubnaha gudiga qabanqaabada oo uu ka mid yahay Suldaan
Maxamed Suldaan Ibraahim(garyare) kaas oo uu cadeeyay waxa ay sheegeen
inay tahay been aan sal iyo raad lahayn.
Xaafiiska Wararka ee Isbahaysiga Dib U
Xoreynta
Asmara July 1, 2008
Email:
hawiyenews@gmail.com
|
|
|