 |
 |
 |
Afhayenka Hawiye |
 |
Afhayeenka beelaha
Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali |
Siyaasiga Hawiye |
 |
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan. |
New S.Y.L |
 |
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L
Cawaale |
|
Latest Update:
Thursday, December 13, 2007 4:21 PM
|
|
|
Golaha amaanka & Nabadda Africa oo
fadhi aan caadi ahayn ku yeeshay Adis ababa ayaa isku raacay in UN la
wareegto hawlgalka Somalia
July ,01.2008 (HawiyeNews.com)
Fadhi aan caadi aheyn oo ay maanta iskugu yimaadeen Xubnaha
golaha amaanka & Nabadgalyada Qaarada Africa ayna ku yeesheen
Hoolkooda Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa looga hadlay
xaalada Soomaaliya.
Madaxweynaha golahan ee Bishan ayaa ku dhawaaqey in ay goluhu maanta
ka wada hadleen xaaladaha amaan ee ka taagan dalalka Soomaaliya &
Zimbabwe ayna isku raaceen in Soomaaliya ciidamada jooga ee ka socda
Midowga Africa lugu wareejiyo Qaramada Midowbay.
Masuulkan wuxuu sheegay in arintan usameeyeen markii ay arkeen
xaaladaha qalafsan ee ka taagan dalka Soomaaliya & Tababar darada
heysata Midowga Africa ee dhinaca dhaqaalaha ayna taasi keentay in uu
Midowga Africa waxba ka qaban waayo dajinta Xiisadaha Amaan daro ee
Soomaaliya.
Goluhu waxa ay si deg deg ah ugu yeereen Laamaha Milateriga ee
dawladda Soomaaliya & Khuburo African ah si wax looga weydiiyo
ciidamada nabad ilaalintaa ee looga baahan yahay dalka Soomaaliya.
Midowga Africa waxa ay howshan ku tilmaameen talaabo horey loo qaaday
,ayagoo ugu baaqay Soomaalida oo dhan in ay deg deg ku soo dhaweeyeen
go'aanka QM ee ay ciidamada ugu dirayso Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee Fadhigan ay maanta yeesheen Golaha amaanka &
Nabadgalyada Qaarada Africa ayaa ku soo beegmaya xili maanta lasoo
xirey Shirkii Madaxweynayaasha Africa oo labo maalin ka socdey Dalka
Masar.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|
|
|