|
Golaha Dhexe ee Ururka dib u xoraynta
somaliya ayaa maanta shir ugu Furmay Magaalada Jabuuti.
July ,01.2008 (HawiyeNews.com)
Dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa maanta martigaliyey Shirweyne ay
iskugu yimaadeen Mucaaradka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,kuwasoo
horey uga soo baxay Magaalada Asmara oo ay mudo joogeen.
Hogaamiyaasha Isbaheysiga dibu xoreynta Soomaaliya ayaa maanta
khudbado ka jeediyey furitaankii shirkaasi ,waxa ayna ku dhawaaqeen in
loo baahan yahay in laga shaqeeyo Nabadgalyada dalka Soomaaliya.
Shirkan waxaa looga hadlayaa maalmaha uu socdo waxyaabihii ka qaldamay
Ururkan & Fulinta qodobadii ay dhawaan ku saxiixeen Magaalada Jabuuti
ee Jamhuuriyadan Jabuuti ,waxaana soo baxaya warar ku aadan Ajendayaal
kale oo shirkaasi lugu soo qaadi doono.
Qodobadii Shirkii maanta lugu soo qaaday waxaa sidoo kale ku jirey
sidii looga shaqeyn lahaaa wada gadalo dhexmara labada garab ee uu
kala noqday Isbaheysigii markii hore loo dhisay ka soo horjeeda
dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
160 Xubnood oo shirkan maanta lugu furay ayaa 40 ka mid ah oo uu wato
Hogaamiyaha Isbaheysigaasi Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa ay aadeen
dalka Yemen ,ayagoo halkaasi uga qeybgalaya shir lugu dhexdhaxaadin
doona dhinacyadaasi.
Furitaanka shirkan ee Magaalada Jabuuti ,wuxuu ku soo beegmay xili
sidoo kale Magaalada Asmara uu ka furmay shirkale oo looga hadlayey
ilsa xaalada kan maanta looga hadleyey ,inkastoo ay kooxda Asmara ka
soo horjeedo heshiiskii Magaaladan Jabuuti lugu gaaray.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|