Gudoomiyaha Mustaqbal Express Mudane Axmed Salaad
ayaa ku hor kufay Saxaafadda Madaxa banaan.wuxuuna weerar caay iyo
xag xagashaa ku qaaday labada Website ee Hawiyenews iyo Waagacusub.
Tifaftiraha Hawiyenews Mudane Mohamed Omar Hassan
ayaa warka uu soo saaray Axmed Salaad uga jawaabay Falaari
galgalasho kaagama harto.
Waa nasiib daro in Axmed Salaad oo ah Gudoomiyaha
Mustaqbal Express oo ka ilmeeyay taageeridii uu siiyay Al-Shabaab
waxaana ka sii fool xun inuu is iloowsiiyay in ragga wax ka qora
Hawiyenews ay la shaqeeynayeen mudo oo kala tirsanaayeen
Xafiiska,kana hayaan boqolaal ducoment oo ay qasab tahay in loo
bandhigo shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka"ayuu yiri
Tifaftiraha Hawiyenews.
Tifaftiraha Hawiyenews wuxuu xusay in Al-Shabaab ay
yihiin koox argagixiso oo Diin Islaam shaqo ku lahayn,sidaas
daraadeedna ay argagixiso tahay cidii taageerto.
"Wiilasha argagixisada u shaqeeya ee dalkii
Soomaaliya ka dhigay xinjira dhiiga,soo hogaamiyay xabashida ee ka
macaashaya dagaalka iyo xasuuqa shacabka,ugaarsiga ku haya
aqoonyahanadii Soomaaliyeed,afduubanaya samafalayaasha miyaan
qarinaa,hadaan qarino anagoo wadano magaca Hawiye waxay u macna
tahay in Hawiye argagixiso yahay,sidaas daraadeed waanu
taageereynaa sidii ragaas dalka looga cirib tiri lahaa" ayuu yiri
Mohamed Hassan.
Mohamed Hassan oo xusay inaysan jawaab badan ka
bixineyn cataawga Mustaqbal ragga ugu sareeya,wuxuu dhinaca kale
akhristayaasha Hawiyenews u balanqaaday in dhawaan la soo
bandhigayo ducoments badan oo Axmed Salaad ku taageeray
Maxkamadahii la burburiyay,ninkii la dilay ee Aadan Ceyroow Al-Shabaab
iyo falal kale oo aad ka arki doontaan ducomentiyada soo socda.