XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Qasaarihii ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho.

July ,02.2008 (HawiyeNews.com)

Waxaa isa soo taraya qasaarihii ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Waaber ee magaalada Muqdisho, kaasoo u dhexeeyay xoogaga hubeysan iyo ciidamada Yugandha oo ay wehliyeen kuwa Itoobiyaanka iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya.

Dagaalkaas oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa inta la ogyahay ku geeriyootay 21 ruux oo u badan dad rayid ah, ku dhawaad ilaa 20 ruux kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray, iyadoo badi dadka wax ku noqday dagaalkaas ay madaafiic iyo rasaas ugu tagtay xaafado ka fog fog goobaha dagaalku ka soconayay, gaar ahaan xaafado ku yaala degmooyinka Wadajir, Waaberi, Hodan iyo Xamar JabJab kuwaas oo qaarkood si weyn uga fogaa halka lagu dagaalamayay.

Dad dhaawac ah iyo meydad xalay ku baryay goobihii ay rasaasta culus iyo midda fudud ugu dhacday ayaa saakay la gaarsiiyey Cusbitaallada, halka kuwii geeriyooday ee aan la aqoonsanna la bilaabay in la duugo, kuwii la aqoonsadayna eheladooda ay duugteen, iyadoo ay jiraan dad dhaawacyo soo gaaray awgii ugu dhiig baxay halkii ay rasaastu kula habsatay kagadaal markii la waayay cid Isbitaal geysa ama Gaadiid qaada maadaama xilli habeen ay ahayd, ciddii dhaqaaqdana ay ka baqeyso in la toogto.

Dhinaca kale waxaa saaka degan goobaha ay shalay iyo xalay dagaallada ka dheceen ee degmooyinka Waaberi iyo Hodan waxaan si caadi ah u shaqeeynaya gaadiidka dadweynaha, goobaha ganacasi ee halkaas ku yaala, isu socodka dadkuna waa sidiisii caadiga ahaa, inkastoo dadku ay saakay baqdin weyn qabeen.

Dhalinyarada ragga ah ee degan xaafado ka mid ah degmooyinka Waaberi iyo Hodan gaar ahaan kuwa sida aadka ah ugu dhow dhow goobihii dagaaladu ka dheceen ayaa iyagu salaadda subax markii la tukaday kadib guryahooda ka baxay iyagoo maciinsanaya xaafado kale si ay uga badbaadaan haddiiba ay dhacdo in baaris ay ka sameeyeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka xaafadaha dagaalladu ka dheceen, taasoo ay ciidamadu ku qabqabtaan dhalinyarada mararka qaarna ay dilal u geystaan, balse wax baaris oo dhacay maba jiraan, xaaladduna wey degan tahay.

Dagaalka shalay ilaa xalay fiidkii ka soconayay degmooyinkaas ayaa ka soo bilowday fagaaraha Tarabuunka ee degmada Hodan oo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya ay ku leeyihiin fariisin, kuwaas oo markii la soo dardaray kadib xooggaga hubeysani ay u soo tallaabeen Xaafadda Taleex ee isla degmada Hodan, iyadoo kadib dagaalku uu ku sii faafay degmada Waaberi iyo isgoyska KM.4 oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Yugandha, kuwa Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya, halkaasoo uu ka dhacay dagaalkii ugu qaraaraa abide ee Muqdisho soo mara billooyinkan dambe.

Dhinaca kale waxaan weli la ogeyn qasaaraha soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay oo iyagu isku hurgufayay hub culus iyo mid fudud, iyadoo hubkaas qaarkii uu hareer dhaafayay goobaha ay ku dagaalamayaan dhinacyadaas oo xaafado fog fog u tallaabayay, xaafadahaasoo dad rayid ah oo u badan carruur iyo haween ay waxyeello ugu geysteen.

Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons