XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Faahfahinta dagaal ka dhacay matabaan iyo laba dhinac o iska laaye saraakiil muhiim u aheed.

July ,02.2008 (HawiyeNews.com)

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal culus oo shalay ku dhex maray degaanka Matabaan ee Gobolka Hiiraan xooggaga Maxkamadaha islaamiga iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo iyaga isaga soo guuray degaanka Guriceel oo dagaal aan kala joogsi lahayn awgood ay isaga guureen.

Dagaalka Matabaan ka dhacay ayaa la sheegayaa in Itoobiyaanka ay kaga geeriyoodeen Saraakiil sarsare, halka dhinaca Maxkamadahana ay ka shahiideen iyaguna Saraakiil kale oo muhiim ah.

Ciidamada Itoobiya ayaa sida ilo wareedyo hoose oo aan helnay ay sheegayaan waxsaa dagaalkaasi kaga geeriyooday 47 askari oo 11 ka mid ahi ay ahaayeen saraakiil iyo Saraakiil xigeenno, halka tiro kale oo intaas ka badanna ay kaga dhaawacmee, waxaana dhinaca xoogaga Maxkamadaha Islaamiga iyagana dagaalkaas kaga geeriyoodeen 60-meeyo ay ku jiraan Saraakiil sarsare oo muhim u ahaa Muqaawamada, kuwaas oo laga magacaabay Proff Cabdullaahi Cali Afrax (ASPARO) oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii Golaha Shuurada ee Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed iyo xubno kale.

Xooggaga Muqaawamada ayaa la sheegay in badankood ay ku shahiideen meel ay ku galeen go’doon oo u dhaxeysa degaannada Beergadiid iyo Matabaan sida ay sheegeen xubno ka mid ah dagaalyahannada Muqaawamada ee dagaalkaasi ka qeyb qaatay.

Gaadiid dagaal oo Saddex gaaraya ayaa ciidamada Itoobiyaanka looga gubay dagaalkaas, Labo kalena waa laga soo qabsaday, iyadoo qaar ka mid ah Gaadiidka laga soo qabsadayna lagu arkay gudaha magaalada B/weyne, waxayna wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ciidamadii Itoobiyaanku ay gebi ahaanba isaga bexeen gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, kuwii Matabaan ka baxayna aan la ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

 

Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons