|
Ciidamada AMISOM oo diiday in ay Daweeyaan
dad rayid oo dagaalkii xlay dhaawac kasoo gaaray..
July ,02.2008 (HawiyeNews.com)
Ciidamada Ugandha ee qeybta ah ciidamada nabad
ilaalinta midowga Afrika Amisom ee fariisinkoodu yahay dekeda weyn ee
magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in fiidnimadii xalay ay dib u soo
celiyeen illaa afar ruux oo ku dhaawacmay madfac ku dhacay guri ku
yaala degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho xili ay dagaalo culus ka
dhacayeen qeybo mid ah degmooyinka Hodan iyo Waaberi, ka dib markii ay
diideen iney ku daweeyaan isbitaalka ay halkaasi ku leeyihiin.
Dadkan oo ka koobnaa illaa afar ruux oo isugu jiray caruur iyo haween
dhaawac ah ayaa la sheegay in dib loogu soo celiyey hoygii uu madfacu
kula dhacay iyagoo gaari gacano lagu sido ka dib markii ciidamada
Amisom ay dib u soo celiyeen, lana waayey wadooyin loo maro
isbitaalada kale ee ku yaala magaalada xiliga oo habeen aheyd iyo
dagaalo culus oo soconayey awgood, waxaana dadkaasi qaarkood ay u
geeriyoodeen xalay saqdii dhexe dhiig bax ka dhashay dhaawacyadii soo
gaaray ka dib markii ay waayeen gargaradii caafimaad ee ay ay
baahnaayeen
Dhacdadan ayaa waxa si aad ah uga xumaaday dadweynaha ku dhaqan
magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa ku degmada X/jajab oo sheegay in
ciidamada Amisom ay u heysteen iney yihiin kuwo ka duwan ciidamada
Itoobiya ee ku caan baxay xasuuqa iyo dilka shacabka, waxayna xuseen
iney haatan beenowday hadaladi ka soo bixi jtray saraakiisha
ciidankaasi oo ahaa iney dalka u yimaadeen iney gagraar u fidinayaan
shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|