XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Magaalada Gaalkacayo oo Bandaw lagu soo rogay.

July ,02.
2008 (HawiyeNews.com)

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaa xalay ka hirgaley Bandow magaalada lugu soo rogey Maalintii shalay ,markii ay soo baxeen todobaadyadii falal dhan ka ah amaanka Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamado fara badan ayaa habeenkii xalay ahaa cagta mariyey Goobo Shaaha lugu cabo oo kuyaala Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobalka Mudug ,waxa ayna ciidamadu howlgalladan bilaabeen 7-dii fiidnimo.

Bandowgan ayaa bilowday 7-dii oo daqiiqado dhiman ,waxaana uu ka hirgaley guud ahaan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ,ayadoo ay soo dhaweeyeen talaabadan dadka udooda arimaha nabadgalyada.

warar xogagaala oo aan ka helnay Saraakiisha amaanka ayaa sheegaya inuu bandowgan socon doono ilaa waqti aan laqaban ,lana doonayo in wax looga qabto amaan darada maalmahaan ka jirtey Magaalada ,taasoo sababtey in dad badan ay dhintaan.

Bandowgan oo shalay looga dhawaaqey Saxaafada gobalka Mudug ,ayaa xalay si rasmi ah uhirgaley ,waxa ayna sheegayaan Warar Madax banaan in ay ciidamadu xalay soo qabteen gaadiid kala duwan oo magaalada ka baxayey waqti habeen ah.

Waxaa laxirey Wadooyinka Magaalada intooda badan ,waxaa la joojiyey gaadiidka Magaalada soo galaya & Kuwa ka baxaya ,taasna waxa ay sababtey in xalay amaanka Magaaladu caadi ku soo laabto.

Bandowgan la saaray Magaalada Gaalkacyo wuxuu toos uga yimid Maamulka Puntland & Odayaasha dhaqanka ee Magaalada ,ayadoo ay sidoo kale dhaceen kulamo looga tashanayo xaaladaha laga yeelayo Magaalada Gaalkacyo.

Gaadiid dagaal oo fara badan & ciidamo aan horey loogu arag Magaalooyinka Puntland ayaa la keenay Magaalada Gaalkacyo 24 saac ee lasoo dhaafay ,taasna waxaa loo aaneynaa Hadalo kulul oo ay isdhaafsadeen Siyaasiinta ka soo jeeda gobalka Mudug ee ku jira Puntland & Isimada gobalka Mudug.

Dad badan ayaa soo dhaweeyey talaabada ay qaadeen ciidamada Puntland ,wuxuuna Bandowgan yahay kii ugu horeeyey oo gobalka Mudug ka hirgala tan & markii la doortey dawladda Puntland ee hada jirta ,wuxuuna markii hore gobalka Mudug ku jirey Xaalad deg deg ah oo ay ku soo rogtey Wasaarada arimaha Amniga.
 

Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons