|
ABAAL-GUDKA CURADKA SACAD. OCT.
2007.By Abwaan Cali deeq.
August ,02.2008 (HawiyeNews.com)
W.T. Abwaan Calideeq Max'ed Xaashi.
CABDALLE curadkii SACAD weeye oo, ceesitaan mudane
Cawo iyo karaamiyo tuf baa, lagu ciseeyaaye Cindigooda oon xumo ku
jirin, ama calooshoodu Waan ku caano-maalnaa ducada ay cashariyaane
Camalkooda khayrkaana wuu noo cuntamayaaye!.
Cayimaadda taariikhdannada, baan cuskanayaaye
SACAD-ka kale carruur maruu ahaa, curadka mooy aane
Carraday xoreeyeen illaa xirifka xeebtaahe Waayagii dagaal culus ku
galay, ciidda SAMANEEDE Culummadoodiyoo waxaa ku go'ay, caagganaan
jiraye FIQI-CAYNTE waa kii ku helay, magaca caankaahe!.
Cabbaarkaas ka soo gudub haddii, aan casrigan sheegno Yaraanka talada
cayriin markuu, caabuq kala gaaro CABDALLAHA waxaa lagu yaqaan, daawo
curinteede.
Caynkaas inay tahay murtidu, waxaa caddayn kuu ah Cakaariyo markii
Sal-ballaar la isku ceeboobay CABDALLOO guntaday labada dhinac, sow ma
kala caymin?!.

Maantana annagoo kala cakiran, kalana caal-waynnay Ayay curadku gogol
caafimaad, nagu casuumeene Bandiiradley waxaa soo cammiray, quraca
caankaa dheh Culumaa'udiinkaan lahayn, iyo cuqaashiiye Cafis iyo
heshiis baa ka dhacay, curadku soo hooyay
Horseedkana CUSMAAN NUUR IYO XABEEB iyo CALI-GUREY baa ah!.
Caaqibay ka taliyeen ILAAHAY, ha caawimo e! Soo celiye sharafkeenni
galay, meel ciriiriyahe! Naga saare ceelkaan galnoo, ceebtii naga
mayre! Cadawgu ha ka naxo wadajirkaas, maanta Cududdeenna!!!.
Afartaas haddaan kala cayimay, aan rogaal celiyo Agoon curad habboon
yeelataa, waa cid aabba lehe CABDALLOW waalid oo kalaad u tahay,
CAWARREERRAHA e! Magaciinnu wuu culusyahoo, waa cirkoo kale e!!!.
Canaab aan garawshiyo lahayn, caawin iyo kaalmo Idinkoo culaabteeda
sida oon, ka cabanaynnin kuwa guusha ciidaynayee, idin canaadaaya Waa
doqon cashiiro ahe yay, idin canaanyayne !!!.
Haddaad Caajistaan maanta, waannu cawarmaynnaaye! Haddii aad
carootaanna waa, cadawga guushiise! Haddii laydin caayiyo haddii,
laydin caasiyoba Cuqdadu inaysan idin galin tolow, baan codsanayaaye
!!!.
Ruuxii caqli lehoo dhan baa, kuu abaal-celine Waad soo cid-galiseen
libtee, yaysan naga ciirin!!!.
Idinkoo ku sugan caaddilnimo, cood ku barakooba!!! Caddadkiinna EEBBE
haga dhigo, sida cammuuddaase!!!!!!!!!!.
DHAMMAAD.

Waxaa Tiriyay Abwaan Calideeq Max'ed Xaashi.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|