|
Dagaal khasaare
geystay oo ka dhacay Muqdisho.
August ,04.2008 (HawiyeNews.com)
In ka badan 10-ruux
ayaa ku geeriyootay 6-kalena dhaawac ayaa soo gaaray dagaal maanta ka
dhacay Degmooyinka Yaaqshid iyo Hiliwaa ee magaalada Muqdisho .
Dagaalkan ayaa waxa
uu u dhexeeyay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada KMG ee dhawaan
lagu soo tababaray dalka Ethiopia oo isku dhinac ah iyo xoogaga
Mucaaradka ee ka soo horjeeda dowlada KMG iyo Joogitaanka Ciidamada
Itoobiya ee soomaaliya.
dhimashada iyo
dhaawaca soo gaaray dadka rayidka ah ayaa timid kadib markii Ciidamada
Itoobiya iyo kuwa dowlada Kmg soomaaliya ee fadhigoodu yahay Warshadii
hore ee Baastada ay duqeyn u geysteen Xaafado ay ku nool yihiin dad
rayid ah oo ka kala tirsan degmooyinka Yaaqshid iyo Hiliwaa ee
Magaalada Muqdisho.
Si kastaba
Duqeyntaan ay Ciidamada dowlada KMG iyo kuwa itoobiya ay u geysteen
Xaafadahaan ay dadka rayidka deganaayeen ayaa timid kadib markli
xoogaga Mucaaradka ay Weeraro Culus ay ku qaadeen Warshadii hore ee
Baastada, Xeylla Bariise Xaafada Coca Colla ,inkastoo aan la ogeyn
khasaaraha kala gaaray labada dhinac oo ay dirirtu dhex martay.
Ma aha markii ugu
horeysay oo ay ciidamada Itoobiya duqeyn ka geystaan Xaafado ay dad
rayid ah degan yihiin oo ka mida Magaalada Muqdisho, iyadoo ay
ciidamada Itoobiya ay caado ka dhigteen in ay beegsadaan guryaha ay
degan yihiin dadka rayid ka ah, kaasi oo aalaaba geysta khasaare naf
iyo maalba isugu jira.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|