|
Golaha
Dhaqanka Hawiye “ Xasuuqii Haweenkii Nadaafada waxaa ka dambeeyay
Maxamed dheere”.
August ,04.2008 (HawiyeNews.com)
Afhayeenka Golaha dhaqanka Beelaha Hawiye ee dhinaca Siyaasada C/laahi
xasan Abuukar (C/laahi dheere ) ayaa shaaca ka qaaday in Maxamed
Cumar xabeeb (Maxamed dheere )uu ka dambeeyay Masiibadii shalay ka
dhacday wadada Maka al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
C/laahi dheere ayaa
sheegay in miinadii loo dhigay Haweenkii ku howlanaa Nadaafada uu
yimid ka gadaal markii ay gudbiyeen Cabasho ku aadan maamulkii hore
ee xilka laga qaaday isla markaanaa wax dhaqaalo ah siin jirin,
dilkoodana looga faa’iideeystay qilaafkii soo kala dhex galay
Maamulka gobolka iyo xil ka qaadistii lagu sameeyay Max’ed Dheere.
Af hayeenka ayaa ka
codsaday in shacabka soomaaliyeed eek u kala nool dalka iyo dibada in
ay gumad la soo gaaraan haweenkan ka shaqeynayey howlaha Nadaafada ee
sida Xaqdarada u laayay duqii hore ee magaalada Muqdisho ee uu xilka
ka qaada Ra’isal wasaare Nuur xasan xuseen Nuur cade.
Si kastaba ma aha
markii ugu horeysay oo hooyooyin soomaaliyeed oo ka shaqeynaya
nadaafada Gobolka Benaadir Qarax lala beegsado iyadoo horey qarax
sababay dhimashada 7-Haween ah iyo dhaawac lagula beegsaday haween ku
howlanaa nadaafad Isgoyska bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|