|
Nur Cadde"
Madaxweynaha waxaan leenahay waqti kordhin ma jirto".
August ,04.2008 (HawiyeNews.com)
Ra'isulwasaaraha Xukumadda
Federalka ayaa dhaleeceeyay siyaasada Madaxweyne Yusuf,wuxuuna ku
sheegay mid ku saleeysan xilkasnimo la'aan iyo hanjabaad keli
talisnimo.
Korneyl Nuur Cadde
oo la hadlay Waagacusub wuxuu tibaaxay in khilaafka u dhaxeeya isaga
iyo Korneyl Yusuf uu yahay mid ku saleeysan hanaanka dib u
heshiisiinta iyo hindise uu Madaxweyne Yusuf ku doonayo inuu
waqtigiisa ku eg Agosto ku suta dheereysto.
"Madaxweynaha
waxaanu nahay labo korneyl waan is naqaanaa,waxaan leeyahay anigu
waxaan ahay Nuur Cadde,hana ku fikirin inaan kugu taageero qorshahaaga
waqti kororsiga ee aad ku saluugsan tahay dib u heshisiinta"ayuu yiri
Nuur Cadde oo dhinaca kale xusay inuu dhameystirayo golaha Wasiiradda.
Ra'isulwasaarre
Nuur Cadde wuxuu gaashaanka u daruuray wararka sheegaya inuu cabsi
darteed kaga degay xilka uu hayo ee Xukumadda.
"Cabdulahi Yusuf
waxaan ogolahay inuu yahay Madaxweynaha dowlada laakiin haba yaraatee
ma jirto cabsi aan isaga kaga cabsanayo Muqdisho,waxaana ugu
baaqeeynaa inuu sharciga iyo nidaamka dowladnimo ilaaliyo,kana fogaado
faragelinta uu ku sameeynayo awooda Xukumadda"ayuu ku celceliyay Nuur
Cadde.
Korneyl Nuur Cadde
wuxuu tilmaamay in golaha Wasiiradda ee uu magacaabay aysan u baahneyn
codka baarlamaanka maadama ay yihiin in tira yar oo looga baahan yahay
u hogaansamida hufnaan shaqo iyo sharci ilaalinta qaranka.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|