XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Madaxweyne Yusuf oo seefta beesha Caalamka ay dul taal

August ,04.2008 (HawiyeNews.com)

Madaxweyne Cabdulahi Yusuf oo 48 saac ee la soo dhaafay aan iska saarin tuutahii uu xirtay ayey ku sii kordhisay xasaasiyad siyaasadeedka uu ka qaaday khilaafka kala dhaxeeyo Ra'isulwasaarahiisa sida ay Hawiye News.com u sheegeen ila wareedyo ku sugan Madaxtooyadiisa.

Korneyl Cabdulahi Yusuf Axmed oo la soo weriyay inuu dareemayo culeys siyaasadeed ka baaxad weyn gulufkii uu ku tuuray Cali Maxamed Geeddi ayaa rajo ka qaba inuu kursiga Ra'isulwasaarrenimada ugu dambeyn ka tuuri doona Korneyl Nuur Cadde hasse yeeshee isaga iyo taageerayaashiisa waxay mashquul ku yihiin moosida daad siyaasadeed ka wajahaya dhinaca beesha Caalamka,lana rumeysan yahay inay dhabarka dambe ka riixayaan Axmed Cabdi Salaan Xaaji Adan iyo Mustafe Dhuxuloow oo ka mida Wasiiradda Xukumadda Federalka.

"Madaxweyne Yusuf waxaa hortaal labo daran mid dooro,waxaana ula jeedaa inuu raaco baaqyadda beesha Caalamka ee lagu farayo inuu ka fiirsado ololaha xilka qaadis lagu rido Xukumadda Nuur Cadde iyo Inuu balwadiisa siyaasadeed raaca oo sii laba laabo qoobka ciyaarkiisa ka dhankaa Xukumadda hada jirta"ayuu yiri Xildhibaan ku siyaasada Korneyl Yusuf oo la hadlay Hawiye News.com

" Hadii aan beesha Caalamka cadaadiskeeda ku guuleeysan Nuur Cadde wuxuu ka dhigan yahay nin daad qaaday cunba cuskay,maxaa yeelay wuxuu ka dhashay beesha Hawiye,mana weynaayo Cabdulahi Yusuf nin uu booskiisa geeyo laakiin waxaa laga yaabaa inay Cabdulahi Yusuf qudhiisa ku adkaato xarga siyaasadeedka Midowga Yurub ay maleegeen,kuna doonayaan inay ku baadbaadiyaan sii jirida Xukumadda Nuur Cadde"ayuu yiri Wasiir ka tirsan Xukumadda kana soo jeeda Jubooyinka oo u xog waramay Hawiye News.com

"Xaaladaha ka dhex jira Yusuf iyo Nuur waxay u baahan yihiin daawasho,waxaanu ka nahay daawadayaal,waxaana rumeysanahay inay dhanka bidix guusha raaci doonto laakiin kama hordhaceyno"sidaas waxaa yiri Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda federalka Proff Ismaaciil Buubaa.

"Hore ayaan u sheegay in maqaarsaar kasta oo Cabdulahi Yusuf magacaabo marayo jidkii Geeddi,xaajaduna halkaas ayey mareeysaa maanta,dabcan way ila tahay inuu shan maalmood oo is booxaar booxaarina kadib Nuur Cadde geysan doono istiqaalo maxaa yeelay,markii hore ayuu Cabdulahi Yusuf ciyaaray,warankaada waxaa loo dhiibtaa qofkaad berri ka qaadan kartid"sidaana waxaa yiri Xuseen Maxamed Ceydiid oo dowlada federalka ka noqday Ra'isulwasarre ku xigeen iyo wasiir arrimo gudo.

Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons