 |
 |
 |
Afhayenka Hawiye |
 |
Afhayeenka beelaha
Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali |
Siyaasiga Hawiye |
 |
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan. |
New S.Y.L |
 |
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L
Cawaale |
|
Latest Update:
Thursday, December 13, 2007 4:21 PM
|
|
|
Saraakiil ka tirsan DF oo siminaar ugu socda
Addis Ababa.
june ,16.2008 (HawiyeNews.com)
Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaa muddooyinkii
ugu dambeeyay ku sugnaa saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowlada KMG ah
ee Soomaaliya kuwaasoo howlo shaqo la sheegay inay halkaasi u joogaan.
Saraakiishaan Soomaalida ayaa kulamo la leh Saraakiisha ciidamada
Ethiopian-ka ee magaalada Addis Ababa ku sugan, iyagoo kala hadlaya
xaalada ammaan ee dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo
sidii ciidamada DF iyo kuwa Ethiopian-ka iska kaashan lahaayeen
howlaha ammaanka lagu sugayo.
Qaar kamid ah saraakiishaan ayaa lagu soo waramayaa in Siminaar ugu
socdo maagaalada Addis Ababa iyagoo wax laga barayo qaababka ciidamada
iyo sida loo xalin karo ammaan darada dalka Soomaaliya.
Saraakiishaan ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa la sheegay inuu
hogaaminayo Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya Jen. Siciid
Maxamed Xirsi "Siciid Dheere" oo dhawaan Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf
Axmed xilkaasi u magacaabay.
Saciid Dheere ayaa Saxaafada u sheegay inay wax weyn ka korarsadeen
isaga iyo saraakiisha la socota siminaarada iyo wada tashiyada ay la
yeesheen saraakiisha ciidamada Ethiopian-ka ee magaalada Addis Ababa
ku sugan.
Waxuu sheegay in Ethiopia ay tahay dalka ugu awooda ciidamada badan
Africa isla markaana ciidamadeeda heystaan tababaro xoogan oo dhinaca
Militariga ah sidaasi darteedna ay u yimaadeen inay aqoon ka
faa'iideystaan.
Waxa uu sheegay in marka dib ugu laabtaan Soomaaliya wax weyn ka
badali doonaan xaalada ammaan xumo ee ka jirta gaar ahaan magaalada
Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Taliyaha waxuu sheegay in xerooyinka ciidamada Ethiopia ku jiraan
xiligaan 3000 askari oo ka tirsan ciidamada Dowlada KMG ah ee
Soomaaliya kuwaasoo uu sheegay in tababar xoogan u socdo dhawaana dib
ugu soo laabanayaan magaalada Muqdisho oo markii hore laga qaaday.
Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ethiopia ayaa ah dowlada inta badan
tababarada u fadisa ciidamada DF iyo saraakiishooda kuwaasoo aan ilaa
hada waxba ka qaban ammaan darada kasii hureysa dalka Soomaaliya gaar
ahaan magaalada Muqdisho.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|
|
|