XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Guddoomiyihii Maxkamadda sare iyo ku-xigeenkiisa oo Maxkamad la soo taagayo.


Febaury ,17 2008 (HawiyeNews.com) 

Sida uu sheegay Xeer Ilaaliyaha Guud ee dowladda KMG Soomaaliya Dr. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Yare) waxaa dhamaaday wixii baaritaanno ahaa ee ay ku hayeen kiiska Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegow oo muddo ka badan 5 bilood u xiran dowladda KMG Soomaaliya, isagoo sheegay in ugu dambeyn 29-ka bishan Febraayo la soo taagayo Maxkamadda Gobolka Bay.
 
Dr. Cali Yare waxa uu sheegay in Maxkamadda la soo taagayo Dr. Yuusuf iyo Avv. Sheegow aysan ahayn mid si qarsoodi ah ku dhacaysa, ayna noqon doonto mid u furan dadka Soomaaliyeed oo dhan ayna ka soo qeyb geli karaan dhegeysiga dacwadda raggaas loo heysto.
 
Dhinaca kale waxa uu muran ka taagan yahay qaabka iyo goobta lagu Maxkamadeynayo Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dowladda KMG Soomaaliya Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo ku-xigeenkiisii Garsoore Maxamed Nuur Sheegow iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada beesha Direed ee uu ka soo jeedo Guddoomiyihii Maxkamada sare iyo mas’uuliyiin ka tirsan xeer ilaalinta guud ee Qaranka ay ku muransan yihiin halka lagu maxkamadeynayo.
 
Xeer ilaalinta guud ee Qaranka ayaa waxay soo jeediyeen in Maxkamadda Gobolka Bay lagu saaro maxkamadda, halka xildhibaannada qaarkoodna ay qabaan in Maxkamadda Qaranka la saaro raggaas maadaama sida ay qabaan ay awooddaas leedahay Maxkamadda sare ee dalka, wuxuuna intaas ku sii daray in haddii ay arrintaas dhacdo ay noqoneyso mid sharciga hareer marsan.

 

Email: hawiyenews@gmail.com

 

 

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons