|
Ardayda
Galmudug ee Norway oo deeq lacageed gaarsiiyay dad tabaaleysan,Daawo
Sawirada.
june ,21.2008 (HawiyeNews.com)

Dhalinyaro u dhalatay deegaanada dawlad goboleedka galmudug satate
kuna nool dalka Norweyn isla markaana ka mid ah aradayda wax ka barata
jaamacadaha dalkaas norweyn ayaa waxa ay deeq lacgeed soo gaarsiiyeen
dadka taagta daran ee dhibaatooyinka dhanka nolasha ah ay ku haystaan
magaalada gaalkacyo iyo dhul baadiyo ah oo ku hareerayasn.

Deeqadan lacgeed ayaa ardayda jaamacadaha ka dhigata norweyn waxa ay
ugu soo wakiisheen si dadka dhibaataysan loogu qaybiyo Ururka haweenka
MIDNIMO ee galmudug state oo ah urur ka shaqeeya hor’umarinta haweenka
dahilinyrada iyo dadka dhibaatada ay haysato.

Wasiir ku xigeenka ganacsiga galmudug ahna gudoomiyaha ururka haweenka
gobolka mudug marwo xabiibo Max’d Cabdi {Koofurow} aayaa hobyoradio
usheegtay in deeqdaa lacgeed ee dhalinyarada norweyn ay soo direen ay
tahay lacag dhan $1200 {kun iyo laba boqol}oo doolar.

Marwo xabiibo koofurow iyo xubno ka tirsan ururka haweenka midnimo
ayaa deeqdaas u qaybiyayay dhawr boqol oo qoys oo dhibaatooyin
nololeed ay haystaan iyo kuwo cuuryaan ah oo ay ka mid yihiin kuwo
luga la’,kuwo indha la; iyo dad badan oo bukaan ah kuwo maskaxda looga
jiro ama waalana ay ku jiraan .

Daka deeqda la gaarsiiyay ayaa qaarkood ay degan yihiin meel duleedka
ka ah magaalada gaalkacyo oo aqalo xooshdo iyo baco ka samaysan ku
jira waxa ayna dakaasi ubadan yihiin dadka ka soo barakacay colaadha
iyo dagaalada ba’an ee ka jira magaalada muqdisho waxaana qoysaskaasi
dhibaato nololeed ay ku haystaa duleedyada magaalada gaalkacyo
maadaama aysan gudaha magaalada guri iyo meel ay hoy ka dhigtaan aysan
ku lahayn

Dhamaan dadka deeqda lacgeed la gaarsiyay ayaa aad ugu farxay waxa
ayna dhalinyrada galmudug dalka norweyn soo direen ugu soo badaleen
duco iyo amaan iyo in ilaah ajar ka siiyo mid ka qayr badna ugu badalo

Ma ahan markii ugu horaysay oo deeq caynkaan ah la soo gaarsiiyo dadka
ku dhibaataysan magaalada gaalkacyo iyodaafaheeda waxaa kal hore deeq
sidaan oo kale ah soo diray gabdhaha ururka tawakal ee dalka noorweyn
oo deeq lageed soo gaarsiiyay daka dhibaatda nololeed magaalada
gaalkacyo ku haysto.

Waxaaana talaabdaan deeqha isdab jooga ah ee bahda galmudug ee dalka
norweyn si weyn usoo dhaweeyay dhamaan qaybaha kale ee bulshada reer
galmudug oo ku tilmaamay mid ku dayasho mudan loogana baahan yahay
jaaliyadda dibadda oo dhan in ay ku daydaan sidii wax loo tari lahaa
dadakaasi oo aysan kaafin ka rin deeqha hadda la soo gaarsiiyay oo aad
uga yar kaafinta baahidooda marka laga eege dhibaatda haysta dadkaasi
Cabdalla M.C/lle
Hawiyenews Galkacyo
GalMudug Satate
SOMalia
Mobil:002529 752260
Email:
hawiyenews@gmail.com
|