|
Godoomiyaha
barlamaanka Df oo xildhibanada ku amaray in ay beydhabo ku
yimaadaan mudo dhan lix bari.
june ,21.2008 (HawiyeNews.com)
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mudo gaaban u qabtay
xildhibaanada baarlamaanka in ay madasha baarlamaanka ku yimaadaan
kadib warbixin uu maanta xildhibaanada baarlamaanka ka siinayay
safaradii uu dhawaanaha ku kala bixiyay wadanka dibadiisa.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay in
xildhibaanada baarlamaanka ay magaalada Baydhabo ku tagaan mudo 6
maalin ah gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Muqdisho kuwa jooga
Nairobi ay iyana soo raacaan diyaarad.
Sheikh Aadan Madoobe ayaa waxaa uu arinataasi ku micneeyay in
xildhibaanada looga baahan yahay in ay ka doodaan mooshin ku saleeysan
in ay qaataan fasax labo bilood ah taasi oo ay xildhibaanada ku kala
argti duwan yihiin.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaano gaaray dhowr iyo lixdan ay
qabaan in aan la xirin kala fadhiga Baarlamaanka maadaama ay hor yaala
howlo Cusuls kala qaar ag oo dalka gudihiisa iyo dibadaba ku
sugan ay doonayaan in la kala diro mudanayaasha baarlamaanka oo la
fasaxo.
Sheikha ayaa shegay in uu ku war galiyay Xildhibaanada dalka
dibadiisa ku sugan in marka hore ay magaalada Baydhabo tagaan si looga
dodo arintaasi laakiin ay isaga dacwad u qabsadeen.
Dastuurka dowlada FKMG Soomaaliya ee qodobka 4aad ee axdiga qaranka
ayaa waxaa uu qabaa in labada kala fadhi ee sanadkii uu leeyahay
Baarlamaanka ay leeyihiin mudanayaasha baarlamaankalabo fasax.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|