 |
 |
 |
Afhayenka Hawiye |
 |
Afhayeenka beelaha
Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali |
Siyaasiga Hawiye |
 |
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan. |
New S.Y.L |
 |
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L
Cawaale |
|
Latest Update:
Thursday, December 13, 2007 4:21 PM
|
|
|
Labada
shariif oo xilkii
laga xayuubiye.
July ,22.2008 (HawiyeNews.com)Wararka
iminka naga soo gaaraya magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea ayaa
sheegaya in hogaan cusub loo magacaabay Isbaheysiga dib u xoreynta
Soomaaliya.
Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta qeybta fulinta waxaa laga
dhigay Sheekh Xasan Daahir Aweys halka Guddoomiyaha golaha dhexe laga
dhigay Shariif Saalax oo kamid ah dhamaantood xubnaha Asmara ku sugan.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo daqiiqado kahor Xogta Online la xiriirtay
ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay go'aankaan la qaatay waxuuna
sheegay inaysan saacadaan waxii ka bilowda jiri doonin Sheekh Shariif
iyo Shariif Xasan sheegashadooda ah inay yihiin Guddoomiyaasha
Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.
Waxuu ku eedeeyay inay galeen qiyaano qaran isla markaana jilaafeen
shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay heshiis la galeen dowlada
Ethiopia iyo dowladaha xasilooni darida Soomaaliya jecel sida uu
hadalka u dhigay.
Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu carabka ku adkeeyay inaysan marnaba
xabada joojin doonin ilaa dalka ka baxaan ciidamada Ethiopia waxuuna
diiday inay dalka yimaadaan ciidamo QM ka socda.
Gudoomiyaha Isbayhsiga Dib xoreynta Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh
Axmed oo ku sugan Magaalada Jabuuti oo la hadlayay daqiiqado kadib
markii warkaan uu soo baxaty TV-ga Aljaziira ayaa sheegay inay
xubnahaas yihiin 24 islamarkaana ay sharci daro tahay waxa ay ku
dhawaaqeen, xubno tiradaas la egna aysan xil ka qaadi karin cidnana u
dhiibi karin wuxuuna ku tilaamay ay koox gaar ah maleegtay.
Si kastaba ha ahaatee, khilaafkaan keenay in xilka laga qaado labada
shariif ayaa keeni kara in gudaha dalka ku dagaalamaan ciidamada
magacyada Isbaheysiga iyo Maxkamadaha kala wata ee ku kala fikir duwan
heshiiskii Jabuuti.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|
|
|