XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Dagaal maanta ka dhacay Afgooye ee Sh.hoose.

July ,22.
2008 (HawiyeNews.com)

Dagaal mudo gaaban socday ayaa maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose, kaasoo dhex maray ciidamada Dowladda KMG ee lagu soo tababaray dalka Itoobiya iyo ciidamo ka tirsan Booliska degmada Afgooye kuwaasi oo kala shaki soo kala dhexgalay.

Labo askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Degmada Afgooye ayaa halkaasi ku geeriyooday halka dhinaca kale ee ciidamada tababarka ku soo qaatay Itoobiya uu ka geeriyooday hal askari, waxaana iska hor imaadkaasi ku dhaawacmay afar ruux oo rayid ah.

Ciidamadan cusub ee ka yimid dhinaca magaalada Baydhabo ayaa wararku sheegayaan in ay isku dayeen hub ka dhigis ay ku sameeyaan ciidamo ka tirsanaa degmada Afgooye , kuwaasi oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan, iyadoo ciidamadaasi lagu soo waramayo ineysan qaarkood xerneyn dareeska ciidamada, sidaasina uu dagaalka ku bilowday, waxayna ciidamada cusub ay qaateen hub ay heysteen kuwii ku sugnaa Afgooye.

Xaaladda magaalada Afgooye ayaa haatan ah mid degan iyadoo dadka deegaanka ay cabsi iyo wel wel ay ka muujiyeen ciidamadan ka tirsan Dowladda ee soo galay Degmada Afgooye, kuwaasi oo la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho.

Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons