XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Ganacsday somaaliyeed oo lagu toogtay South Afrika.

July ,22.
2008 (HawiyeNews.com)

Waxaa xalay fiidkii burcad hubeysani ay weerar ku qaadeen Dukaan ku yaala tuula layiraahda Fandar-Cop oo duleedka kaxigta magaalada Restenbarg ee Gobolka North-West.

Burcadda weerarkan soo qaaday ayaa tiradooda lagu sheegay ineey ka koobnaayeen afar qofood kuwaasoo ku hubeysnaa laba qori iyo hal Bistoolad, waxeyna dukaanka ay weerarka ku soo qaadeen dhow mir oo Rasaas ah dul dhigeen muwaadin soomaaliyeed oo la aran jiray Maxamed Deeq Cumar Ibraahin, kaasoo goor danbe waa marxuumke u geeriyooday dhaawaca rasaasta lahuwiyay, waxa uuna ku naf baxay isbitalka magaalada Restenbag.

Burcadda falkan dilka ah geysatay ayaana cidna laga qaban sida wabka waagacusub u xaqiijiyay wariye Gacal Xuseen Gacal (Ayman) oo ku sugan tuula ku dhow tuuladaas dilku ka dhacay, sida uu sheegaya gacal waxa ay tuugadii ku baxsadeen gaari u yaalay meelaan ka fageyn dukaanku falku ka dhacay.


Lamana soo sheegin dhac weyn oo ay geysteen, marka laga reeba kudhawaad lacag R10.000 gaareysa oo dukaanka cagta horey looga sii mariyay, hadaba dilalka isdaba jooga ah ayeey dadka soomaliyeed ee ku dhaqan dalkan koofur afrika walaac ba,an kamuujinayaan mana jiraan ilaa hadda wax muuqata oo ay kaqabatay xaalad burcadeedkan Dowladda k/afrika ee martida loo yahay.

Dhanka kale waxaa maalintii shalay aheyd xuduudda koofur afrika iyo musambiig ay wadagaan kasoo talaabay tahriibayaal soomaaliyeed oo gaaraya 45 qofood

 

Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons