XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Qaar ka tirsan Qaxootiga soomaliyeed ee ku dhaqan dalka koofur africa ayaa waxay bilaabeen in ay isaga hayaamaan.

june ,22.2008 (HawiyeNews.com)

tan iyo markii ay dalkani ay ka bilaawdeen rabshadaha saameynta xoogan ku yeeshay qaxootiga soomaliyeed ee ku sugan dalkani koofur africa loona gaystay dil,handadaad,dhac iyo jir dil intaba ayaa waxa ay bilaabeen in ay isaga hayaamaan wadankani koofur africa sawaba la xiriira dhibaatooyinkas ayagoo u carararaya wadankoda hooyo ee soomaliya iyo wadamada deriska sida kenya,jabuuti iyo ethiopia kuwaas oo doonaya in ay ka raadsadaan halkaas nolol ka fiican tan wadankani.

Inta badan goobaha lagu iibiyo tikidyada iyo meelaha laga raaco basaska waa wayn ayaa waxaa lagu arkayaa dad raxan raxan u socdo kuwaas oo doonaya in ay isaga baxaan wadankani koofur africa dadkaas oo u badan Qaxootiga soomalida oo ka ganacsan jiray dalkani kuwaas oo hantidii ay ku tashanayeen cagta ay mariyeen kooxo isusoo baheestay dhac iyo dil isla markaana ku doodaya in ay ka baxaan dalkooda guud ahaan ajaanibta ku sugan dalkooda.

Arrinta la yaab ka leh ayaa waxa ay tahay xilli ay ka jiraan dalka soomaliya dagaalo iyo iska hor imaadyo culus oo joogto ah kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada DFKM soomaliya iyo ciidamada ethiopia oo hal dhinac ka soo jeeda iyo xoogaga iskacaabinta ee ku sugan wadanka soomaliya kuwaas oo ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada ethiopia iyo siyaasada dowlada DFKM soomaliya ayaa hadana dadkaasi waxa ay ku dhiiranayaan in ay wadankooda ku laabtaan iyadoo arrintu ay sidaas tahay.

maxamed yuusuf cilmi oo ku magac dheer (kiyaakaro) oo ka warbixinyay sababta ku kaliftay in ay isaga baxaan wadankani ayaa waxa uu yiri "mar hadii aynu la kulmeeno dhibaato,dil iyo dhac waxaa haboon in ay dhibaatooyinkaas nagula dhacaan wadankeena anagoo ku sugan kiyaakaro o hadalka sii wato waxa uu yiri waan ognahay in ay wadankeena dagaalo ka jiraan laakiin kama quusaneeyno rajada alle waxaa laga yaabaa in u wadankeena xasilo insha alaah ileen horaa loo yiree "nin walboow wadankaa waxkuu dhaama ma leh" sidaana waxaa yiri maxamed yuusuf cilmi oo isaga ka mid ah dadka isaga baxaya dalkani koofur afrika
 
Si kastaba ha ahaatee waxaa jahwareer xoogan ku jira Qaxootiga soomaliyeed ee ku nool dalkani koofur africa kuwaas oo dhibaatada ugu wayneed ee soo wajahda abid ay tahay sanadkan isla markaana ay la kulmeen qasaarooyin aan laga soo kabsan karin soo gaaray hantidooda walow aysan jirin ilaa iyo xilligan wax magdhaw ah ay bixisay dowlada koofur africa iyo hadal lagu qanci karo oo ay ka soo saartay dhibaatooyinka soo gaaray soomalida.

Mohamed Hassan Bakistaan
bakistaan77@hotmail.com

 

 

Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons