Xaflad bandhig faneeda oo si heer sare ah loo soo
agaasimay ayaa Xalay lagu qabtay Hutel Empriel ee Magaalada Hargeysa.

Bandhig Faneedkan oo ay ka soo qeybgaleen Abwaano ay ka mid
aahaayeen Abwaan Aadan Tarabi,Abwaan Axmed Awgeedi, Abwaan Cabdi
Maxamed Aamiin iyo Aqoonyahano, Ajanebi, iyo dadweyne aad u tira
badan iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Dalada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mr. Maxamed Axmed
Maxamuud [Barawaani] oo halkaasi hadal soo dhaweyn iyo mahad celin
ah ka soo jeediyey.
“Waxaan u mahadnaqayaa dhamaan marti sharafta ka soo qeybgashay
Xafladan, waxaan kale oo aan ku dhiirigelinaya talaabadan ay qaaday
Farduus Siciid Dirir oo dhiirigelin u noqonaysa dhalinyarada
Somaliland”ayuu yidhi Barawaani.

Abwaan Aadan Tarabi oo ka mida Abwaanada Waaweyn ee reer Somaliland
oo Xafladaasi hadal dheer ka soo jeediyey ayaa waxa uu sheegay in
haweenku bud-dhig u yihiin Suugaanka Soomaaliyeed,
“Haweenku waxay ahaayeen kuwa tiriya hees hawleedyada, heesaha
Xoolaha [Riyaha, Idaha], waxay ahaayeen qaar heeso u tiriya
barbaarinta Ubadka, waxa kale oo ay heeso u tiring jireen Haanta,
marka laga reebo heesaha Geela oo ay raggu la haayeen, inta kale
waxa iska lahaa Haween” ayuu yidhi Abwaan Tarabi.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi raaciyey oo uu yidhi
“Haweenku maanta kaalintoodi wey gabeen, balse waxaan halkan ku soo
dhaweynayaa Farduus Siciid dirir oo ay farxad ii tahay talaabadan ay
qaaday, waxaan kula dardaarmayaa inay dhaqanka Gabayada ay hal
abuureyso ku saleyso”

Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Faadumo Siciid oo ahayd Xubin
sharafeed lagu soo marti qaaday Xafladaasi, ayaa waxay halkaasi ku
soo dhaweysay dadkii ajaanibka ahaa ee ka soo qeybgalay
Munaasibadaasi, iyada oo uga xoog-warantay U jeedada Xaflada loo soo
qabanqaabiyey iyo Gabayada ay ku soo bandhigtay Farduus.
Faadumo Siciid Waxa kale oo halkaasi ka xustay inay maanta heshay
wehel lagala halganka ay haweenka ugu jirto, waxaanay tidhi “In
badan ayaa la yidhaahda Faadumo Siciid Waxay u xaglisaa xaga
haweenka, waa run oo weliba keli ayaan ku ahaa, laakin maanta waxaan
haystaa in badan oo igu daba jirta oo ay kow ka tahay Farduus”.

Farduus Siciid dirir Waxay Xafladaasi ku soo bandhigtay Gabeyo ay ku
tirisay luuqada Afka Ingiriisiga, Waxaanay tidhi “Waxaan Gabayada
tirintooda ku bilaabay 7 jirkaygii, luuqada Ingiriisiga inaan ku
tiriyo waxay igu dhalatay 1997-tii sababta oo ah Ingiriisigu malaha
Xaraf-raac oo way ka fudutahay luuqada Af soomaaliga ah”
Inantan oo ah Ardayad Wax ka dhigatada Jaamacada Hargeysa, Waxay
Madashaasi ku soo bandhigtay 7 Gabay oo mid ka mid ahi Af Soomaali
ahaa, Gabaygaa Soomaaliga ah oo ay ku hab mamuustay Abwaan Hadraawi,
Gabeygaasi oo la yidhaahdo Gaashaankii Afrika.
Gabayada ay Farduus ku tirisay luuqada Ingiriisiga Waxay kala
ahaayeen waxay gabi ahaantood yihiin 80 gabay laakiin yadoo waxay
soo xushay.
7 ka mid ah, 1. Somaliland My Life And My Future, 2). how is life
with You, 3). Education, 4). My Sweat Aunty, 5. Life 6). Lonely
Waxa Gebagebadii Xaflaasi Ka Hadlay Abwaan Axmed Awgeedi oo halkaasi
hadal kooban ka jeediyey waxa uu yidhi “Qolooyinkayagii hore Af
Soomaali ayaanu ku Gabyi jirnay, laakinse maanta waxa dhacday in
Farduus oo ah Inantii ugu horeysay eek u Gabeyda Af Ingiriisi, hore
ayaan u sheegay in Gabdhuhu ka fariidsan yihiin wiilasha”

Abwaan Cabdi Maxamuud Aamiin oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku
hanbalyeeyey talaabada ay qaaday Farduus, isla markaana waxa uu ku
canaantay Abwaanada da’ada yar iyo kuwa heesa maanta inay Jaceylkii
ku Koobeen nin iyo GabadhWaxaanu yidhi “Maanta Waxa heeso baxaya
oodhan waxay ku soo bandhigeen nin Gabadh daba ordaya iyo Gabadh nin
daba ordeysa, waxaan leeyahay Jacaylku intaa kuu ka balaadhan yahay
“Noloshu waa jacayl, Jacaylkuna waa nolol””.
“Marbaan hadlay oo aan idhi: Waxaan jececlay Nafta, hadana waan
dhimanayaa, waxaan jecelay Uduga Ubaxa, waxaan jecelay Islaanteyda
ee Oorideyda ah”.

Farduus Siciid dirir oo dhalatay 1989, da-deeduna tahay 18jir. ayaa
noqonaysaa Inantii Ugu horeysay ee luuqada Afka ingiriisiga ah ku
samaysa 80 gabay, soona bandhigtay lix Gabay oo ka mid ah, kuwa ay
ku tirisay afka tirisay Afka Ingiriisiga ah.
Shiine
Cilmi Kaahin - Hargeisa.
sirshiine@yahoo.com.
Mobile Phone: 00252 2 4429044