Qaar ka mida Ganacsatada Magaalada Jowhar ee Xarunta
Gobolka Sh/dhexe oo horay u diiday in ay qaataan Lacagaha duuga ah
ee shilinka Soomaaliga ayaa lagu xir xiray Xabsiga Magaaladaasi.
Taliyaha Saldhiga Madaniga ee Magaalada Jowhar Sheekh
Max'ed Cusmaan oo saakay u waramayay saxaafada ayaa sheegay
Sababah keenay in la xir xiro ganacsatada ay tahay in ay diideen
isticmaalka lacagaha duugaha ah iyo kuwa jeex jeexan ee shilinka
Soomaaliga waxaana uu intaa ku daray in ganacsatada loo soo xir
xiray falkaasi ay gaarayaan ilaa 11 ruux oo ah dadka ugu caansan
xaga ganacsiga ee Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe.
Sheekh Max'ed Cusmaan waxaa uu in taa raaciyay in
dadkaasi ganacsatada ah ee haatan xabsiga ku jira Maxkammad la soo
taagi doono kuwaasi oo diiday in ay isticmaalaan lacagaha jeex
jeexan ee shilinka Soomaaliga waxan uu sheegay in arintaasi ayasan
ka Maamul ahaan u dulqaadan doonin.
Ganacsatadaan ayaa shalay galab waxaa soo xir
xiray Saraakiil ka tirsan midowga Maxkamadaha islaamiga ee ku sugan
Magaalada Jowhar kuwaaso oo shalay gudaha u galay suuqyada Magaalada
Jowhar.
Ganacsatada Magaalada Jowhar ayaa mudooyinkii ugu
dambeeyay waxa ay diidanaayeen qaadhashada lacaga duuga ah iyo
waliba kuwa jeex jeexan ee shilinka Soomaaliga taasi oo caqabad ku
ahayd Shacabka ku dhaqan Magaalada Jowhar.
Horay ayaa waxaa inta badan dalka Soomaaliya u
samaameeyay diidmada lacaga duuga ah ee shilin Soomaaliga taasi oo
ay shacabka Soomaaliyeed kacdoon xoogan ka muujiyeen taasi oo markii
danbe lagu guuleeytay in la meel mariyo.