 |
 |
 |
Afhayenka Hawiye |
 |
Afhayeenka beelaha
Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali |
Siyaasiga Hawiye |
 |
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan. |
New S.Y.L |
 |
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L
Cawaale |
|
Latest Update:
Thursday, December 13, 2007 4:21 PM
|
|
Ururka Al-Qaacida oo baaq u jeediyay kooxaa ka dagaalama gudaha
Somalia.
june ,23.2008 (HawiyeNews.com)
Cajalad muuqaan ah oo soconeysay 19 daqiiqo lana soo dhex dhigay
website ay leeyihiin ururka Al-Qacida ayaa loogu baaqay kooxaha
Soomaaliyeed ee ka dagaalamaya dalka Soomaaliya in ay la dagaalamaan
ciidamada Qaramada Midoobay ee la keeni doono Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay Ururka Al qaacida oo lagu magacaabo Abuu Yaxya Al-Liibi
ayaa ku booriyay dagaalyahaninta Soomaaliyeed ee gacan saarka la leh
ururka Al-Qaacida in ay la dagaalamaan ciidamada nabad ilaalinta ee
ka socda Q.Midoobay, kuwaasi oo lagu heshiiyay in la keeno
Soomaaliya mudo 120 maalmood kadib.
Afhayeenkan ayaa sidoo kale baaqiisa ku sheegay in aysan aqbalin
Soomaalidu wax aan aheyn Dowlada Islaami ah oo dalka laga hirgeliyo,
isagoo ku booriyay ineysan qaadan sharuucda caalamiga ah.
Abuu Yaxya ayaa heshiiska dhex maray Dowladda KMG iyo Isbaheysiga
Asmara waxaa uu ku tilmaamay mid aan wax qiimo leh soo kordhineyn,
wuxuuna ku amaanay kooxaha Soomaalida ee ka horyimid heshiiska
Jabuuti lagu gaaray go'aanka ay ku diidan yihiin heshiiska Jabuuti.
Abuu Yaxya Al-Libi ayaa waxaa uu ka mid yahay saraakiisha sare ee
ururka Al-Qaacida, waxaana la aaminsan yahay in uu ku
dhuumaaleysanayo xuduudaha u dhaxeysa Afganistan iyo Pakistan,
wuxuuna ninkan horay ugu baxsaday xabsi ku yaala dalka Afgaanistaan
xili halkaasi lau xeray
Email:
hawiyenews@gmail.com
|
|
|