XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Kooxihii ku heshiiyay Jabuuti oo lasoo gaarsiiyay casuumad ugu timid Saudi Arabia.

june ,23.2008 (HawiyeNews.com)

Wararka aan ka heleyno mas’uuliyin ka tirsan Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee dhawaan heshiiska ku kala saxiixday dalka Jabuuti ayaa sheegaya in la soo gaarsiiyay casuumaadii ay ku aadi lahaayeen Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasi oo lagu wado in lagu dhameystiro heshiiskii dhex maray labada dhinac.

waxaa la sheegayaa in shirka ka dhacayo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee isugu imaanaya Madaxda sare ee Dowladda KMG oo ugu qeybgeli doono Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Isbaheysiga Asmara oo dhankooda wafdi uu hoggaaminayo Sh. Shariif ugu qeybgelaya ayaa la filayaa in uu noqdo shir dhaxal gal ah, iyadoo shirkaasi ay soo fariisan doonaan wakiilo ka socda Beesha caalamka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in garab ka mid ah Isbaheysiga Asmara ee uu hoggaamiyo Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa ka horyimid casuumaada Dowladda Sacuudiga u fidisay, iyagoo ka bixiyay cudur daar ka qeybgalka shirkaasi.

Xubnaha Isbaheysiga Asmara ee ka qeybgalay shirka Jabuuti ayaa iyagu aqbalay ka qeybgalka shirkaasi caalamiga ah iyadoo aan la ogeyn xiliga rasmiga ah ee uu dhacayo shirkaasi.

Xuseen Maxamed Caydiid oo ka tirsan guddiga sare ee isbaheysiga kana soo horjeeda siyaasadda Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa caddeeyay in garabka ku sugan Asmara ay diideen casuumaadaasi la soo gaarsiiyay, wuxuuna sheegay in aysan diyaar u aheyn ka qeybgalka shirka ka dhacaya Sacuudi Carabiya.

Si kastaba ha ahaatee, xubnaha Isbaheysiga iyo DF oo ku sugan Jabuuti iyo Nairobi ayaa wada qaban qaabo ay ku gaarayaan magaalada Maka Al-Mukarama.

Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons