XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Dagaal xoogan oo ka dhacay xirada asluubta ee Muqdisho.

june ,24.2008 (HawiyeNews.com)

Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia oo isku dhan ah iyo xoogaga ka soo hor jeeda ayaa ka dhacay agagaarka Ex-xeradii ciidanka Asluubta ee duleedka Muqdisho gaar ahaan halka loo yaqaan sarkuusta.

Duhurnimadii maanta ayaa waxaa dagaal aad u culus uu ka qarxay agagaarka xeradii ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo ku taala duleedka koonfureed ee caasimada gaar ahaan wadada isku xirta magaaladan Muqdisho iyo degmada Afgooye kaasoo u dhexeeya ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada KMG Soomaaliya oo dhinac ah iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda siyaasada dowlada iyo Joogitaanka Ciidamada Ethiopia ee gudaha dalka Soomaaliya.

Wararka ay hawiyenews  ka heleyso goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaa ay sheegaayaan in Dagaalkan uu bilowday ka dib markii xoogaga ka soo hor jeeda dowlada ay weerar ku soo qaadeen Bar control oo ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya ay ku lahayeen meel aan ka fogeyn Ex-xeradii ciidanka Asluubta ee duleedka Muqdisho oo loo yaqaan Sarkuusta, halkaasoo lacago canshuuro ah looga qaadi jiray gaadiidka dadweynaha ee isaga goosha magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Goobat ay ciidamada dowlada ku sugnaayeen ayaa waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo markii dambe keenay in xoogaga ka soo hor jeeda dowlada ay la wareegaan gacan ku heynta Bar control, ka dib markii ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya looga awood roonaaday dagaalkasi.

Dagaalka oo xoogeeystay kadib ayaa waxaa markii danbe dagaalka ku biiray sida la sheegay ciidamada Ethiopia ee farisiinka ku leh Ex- xeradii ciidanka Asluubta oo halkaasi ay fooda isku dareen kooxihii weerarka Soo qaaday.

Daryanka madaafiicda iyo rasaasta ay isweydaarsanayaan labada dhinac ayaa laga maqlaayay Deegaano ka fog fog halka lagu dagaalamayay.

Mid ka Mid ah Darawalada gaadiid ka shaqeya wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo si dirqi ah ku soo maray wadadasi una waramayay idaacada shabelle ayaa sheegay in uu arkayay Tiro meeydka Askarta Ciidamada dowlada ay daadsanaa halka lagu dagaalamay isla markaana ay hada ku sugan yihiin Ciidamada Ethiopia waxaana hakad uu ku yimid isku socodka dadka iyo gaadiid ee wadadasi.

Illaa iyo hada wax war ah lagama hayo qasaraha soo kala agaaray labada dhinac iyo dadka rayidka ah ee ka agdhow halka uu dagaalku ka mana jiraan Cid sheegatay dagaalkasi in ay ka

Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons