Xasan dahir"waxaan dowlada sa'uudi arbia
ugu digeynaa in ay tageerto hashiiskii jabuuti lagu gaaray.
june ,24.2008 (HawiyeNews.com)
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Mas'uuliyiinta Isbaheysiga
dib u Xoreynta Soomaaliya ayaa dowlada baqortooyada Sacuudi Carabiya
uga digay in ay taageerto hishiiskii dhawaan ay kuwada saxixdeen
dalka Jabuuti ee dhaxmaray dowlada KMG iyo isbaheysiga dib u
Xoreynta Soomaaliya.
"Waanu jecelnahay Baqortooyada Sacuudi Carabiya laakin waxa aan ka
dooneynaa in ay la socoto arimaha khiyaanooyinka qaar oo aan aheyn
kuwo dhab ah ayuu yiri sheek Xasan Daahir oo qadka telefanka ugu
waramay wakaalada Wararka AFP isagoo ku sugan magaalada Asmara ee
xarunta wadanka Eritrea .
Sheekh Xasan Daahir aweyes waxaa kaloo uu sheegay in dowlada Sacuudi
looga baahanyahay in iyagu ay qabtaan hanaan dib u hishiisiineed ay
u dhanyihiin Soomaalida oo dhan taa soo nabad u keeni karta dalka
Soomaaliya si looga hortago dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.
Sidoo kale sacuudi Carabiya waa dad daacad ah oo dadka Soomaalida ah
ay isdadka Saku dhaw yihiin xaga dabeecada ayuu tilmaamay Sheekh
Xasan Daahir.
Boqorka dalka Sacuudi Carabiya Boqor Cabdalla ayaa soo dhaweeyay
hishiiskii dhawaan dalka jabuuti ay ku gaareen dowlada KMG iyo
isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya iyadoo la filayo in dalka
Sacuudi Carabiya uu ka dhaco Xaflad lagu saxiixayo hishiiskii lagu
gaaray dalka Jabuuti.
Hishiiskii dalka Jabuuti waxaa qaadacay qaar ka mid ah isbaheysiga
oo uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir aweys oo uu ku tilmaay
hishiiskasi in uusan qeexeynin bixitanka Ciidamada Ethiopia.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|