QM oo ka
codsaday DF inay gacan ka geysato soo deynta sarkaal ka tirsan
UNHCR.
june ,24.2008 (HawiyeNews.com)
Qaramada Midoobay ayaa mar kale codsaday in lasii
daayo sarkaal ka tirsan Hay'ada UNHCR oo magaalada Muqdisho kooxo
hubeysan afduub ugu heystaan.
Qaramada Midobay ayaa sheegtay in hoos u dhac ay u keeneyso afduubka
sarkaalkan sare howlihii gargaar ee la gaarsiin lahaa dadka
Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Soomaaliya kuwaasi oo lagu qiyaasay
hal Milyan qof.
Waxaa kaloo ay QM sheegtay in aysan garaneyn ilaa iyo iminka sababta
ka danbeysa afduubka Madaxii hey'adda UNHCR iyo cida ka danbeysa,
taasoo dhibaato u keeneysa howlaha gargaarka bini'aadanimo ee laga
wado Soomaaliya.
QM ayaa cambareyn xoogan u jeedisay kooxihii ka danbeysay afduubka
Xasan Maxamed Cali "Keynaan", waxayna ugu baaqeen kooxaha heysta
ninkaasi in si deg deg ah oo shuruud ku xerneyn loo soo daayo.
Dhinaca kale Madax hay'ada UNHCR Antonio Guterres ayaa dhankiisa ka
cambareyay afduubka loo geystay sarkaalkasi wuxuuna dalbaday in si
sharuud la'aan ah loo sii daayo Madaxii UNHCR ee Muqdisho.
Waxa uu ka codsaday Dowlada KMG ah ee Soomaaliya inay gacan weyn ka
geysato sii deynta sarkaalkaasi waxuuna ugu baaqay kooxaha heysta
inay shuruud la'aan dib xoriyadiisa u soo celiyaan.
Antonio Guterres ayaa sheegay in uu ahaa nin mudo ah ku sugnaa
Soomaaliya isla markaana howlo dhinaca gargaarka ah u qaban jiray
dadka Soomaaliyeed xili dalka amaan dari ay ka jirtay.
24-kii sac ee la soo dhaafay ayaa bartilmamed laga dhigtay Madaxda
Hey'adaha Samafalka ee bulshada u taagan caawintooda, iyadoo shalay
galab kooxo dabley ah ay bartamaha magaalada Baladweyne ku dileen
Madaxii Hay'adda CRD ee Gobolada Dhexe Maxamed Xasan Kulmiye.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxaa caada ka noqotay in kooxo
hubeysan afduub u geystaan dadka waxtarka u leh bulshada
Soomaaliyeed gaar ahaan caawimaadiyaash Shisheeye ee gudaha Somalia
ka howl-galo iyadoo kuwa badan lagu dilay gudaha dalka.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|