Ciidamada AMISOM oo howl-galo ka
sameynaya agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho.
june ,24.2008 (HawiyeNews.com)
Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda iyo
ciidamada Dowlada KMG ah oo iskaashanaya ayaa saaka howl-galo ka
wada agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International
Airport ee magaalada Muqdisho.
Howl-gaalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay hoobiyaal lagu
weeraray garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Hoobiyaashaasi mid kamid ahaa ayaa waxa uu ku dhacay xaruntii
dugsiga sare ee farsamada gacanta oo ku dhegan garoonka diyaaraddaha
waxana halkaasi ku nool dad masaakiin ah oo soo barakacay.
Madfacaasi ayaa haleelay sandaqad yar oo halkaasi looga ganacsanayey
waxaana ku geeriyooday hal ruux halka afar kale oo haweeney uur
laheyd ay ku jirtana ku dhaawacmeen.
Tirada kale ee Hoobiyeyasha ayaa waxay ku kala dhaceen inta u
dhaxeysa Xeebta iyo Garoonka Diyaaradaha, halka mid ka mid ah uu ku
dhacay wadada dheer ee ay diyaaradduhu ku ordaan, kana kacaan.
Waxa mudo yar hakad galay howlihii garoonka, iyadoo dadkii joogay ay
khalkhal galey, waxayna dadka radsadeen meelo ay kaga gambadaan
hoobiyeyaasha soo dhacayey.
Ma cadda in garoonka xiligaasi uu ka duulayey Ra'iisul wasaaraha oo
la filayey in isaga iyo wafdi uu hoggaaminayey ay ka ambabaxaan
magaalada Muqdisho.
Ciidamada AMISOM ayaa markii weeraradaasi dhaceen xeray wadada gasha
garoonka diyaraddaha iyagoo halkaasi baaritano gaaban ka fuliyay
goobta, mana ahan weerarkan midkii ugu horeeyay iyadoo labo jeer oo
hore lagu weeraray Madaxweynaha Dowladda KMG Cabdullaahi Yuusuf
Axmed.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa DF ee maanta howl-galka wada ayaa wali la
sheegin cid ay kusoo qabteen iyagoo galay guryo ay dadweyne rayid ah
degan yihiin.
Hoobiyaashaan shalay lagu garaacay garoonka Muqdisho ayaa jirin ilaa
iminka cid sheegatay mas'uuliyadeeda balse waxaa la rumeysan yahay
inay fuliyeen kooxaha hubeysan ee Siyaasada DF kasoo horjeedana kana
dagaalama gudaha magaalada Muqdisho iyo daafaheeda.
Si kastaba ha ahaatee, kooxaha DF kasoo horjeeda ayaa inta badan
hoobiyaal la beegsada garoonka Aadan Cadde xiliga ay baxayaan ama
kasoo dagayaan madaxda sar sare ee Dowlada KMG ah gaar ahaan
Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf oo dhowr mar oo hore si dirqi ah
hoobiyaashaasi ugu baxsaday.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|