XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Burcad badeed somaali ah oo dhawaan afduubatay doon laga leyahay dalka garmalka.

june ,25.2008 (HawiyeNews.com)

sida uu shaaciyay TV ga Qaranka Dalka Germany kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ee dhawaan qafaashay dooni ay saarnaayeen dad u dhashay dalka Germany iyo caruurtooda in la siiyo madaxfurasho si ay u sii daayaan doonidaasi iyo dadka saaranba.

“Dadka ajaanibta ah ee soo weeraray Biyaheena waanu sii heysaneeynaa illaa laga bixiyo madaxfurasho” ayuu TVga ka soo xigtay mid ka mida ah kooxaha burcad badeda heysata doonidaasi.

Sidoo kale TVga waxaa uu sheegay in dadkani laga afduubtay bada gacanka Cadmeed xili ay ka tageen dalka Masar iyagoo ku sii jeeda dalka Thailand.

Gudoomiyaha degmada laasqoray Yuusuf Jaamac Cadabeed ayaa sheegay in ciidamada maamulka Puntalanad ay arkeen iyadoo doonidaasi loo sii kexeeysanayo dhanka Woqooyi gaar ahaan deegaan buuraleey ah.

Xafiiska Arimaha dibada ee dalka Germany ayaa waxaa uu sheegay in ay ku dedaalayaan sidii xog dheer loogu heli lahaa dadkasi halka ay ku danbeeyeen iyo xaaladooda.

Sidoo kale maamul goboleedka Puntalanad ayaa sheegay in ay u dhaba galayaan sidii ay u ogaan lahaayeen halka lagu heeysto balse ma sheegin in ay xoog ku soo furan doonaan.

Horay ayaa golaha amaanka ee QM waxaa ay u ansixiyeen go’aan lagula dagaalami karo kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ee dhibaateeya maraakiibta marta biyaha dalka Soomaaliya oo ay u taag weysay wax ka qabashadeeda dowlada KMG Soomaaliya

Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons