Qaar ka mid ah ganacsatada degmada Dharkeynleey ayaa waxa ay
sheegeen in maamulka degmadaasi uu ku maray in goobahooda ganacsi ay
ka Rartaan halkasi.
Ganacsatada waxa ku iibisa wadada Dheer ee isku xirta isgoyska
xoosh iyo Saldhig galbeed ee degmada Dharkenleey ee Gobolka Banaadir
ayaa waxa ay sheegay in taliyaha ciidamada booliska ee saldhiga
degmada Dharkeynleey uu ku maray in goobahooda ganacsi ay isaga
halkaasi maadaama amaan darida ay dhawaanahan ku soo badatay halkasi.
Qaar ka mid ah ganacsatada degmada Dharkeynleey ayaa tilmaamay in
saakay isaga guurayaan goobaha ku dhaw saldhiga Galbeed ee degmada
Dharkenleey ka dib markii taliyaha saldhiga galbeed uu ku amray in
ay isaga guuraan hadii aysan wax ka qaban Karin kooxo uu sheegay in
ay ku soo dhax dhuuntaan,waxaana ganacsatada degmada ay sheegay tan
iyo markii Ciidamada Cusub ay soo gaareen Saldhiga galbeed aysan ka
jirin wax ganacsi ah halkaasi oo guud ahaan goobaha ganacsi lawada
xiray.
Mid ka mid ah Ganastada degmada Dharkenleey oo shabelle u
waramayay ayaa sheegay in ay ka raranayaan goobohooda ganacsi
maadaama ay u gagasan waayeen sida ay sheegeen dhibaatooyika kala
duwan ee kaga yimaada Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya.
Waxaa jira wadahadalo hoose oo u dhexeeya Ciidamada dowlada iyo
Waxgaradka deegaankasi oo ku saleeysan sidii wax looga qaban lahaa
amaanka iyo sidii dib loogu soo celin lahaa Ganacsigii horay u
xirmay ee wadadaasi taasi oo aan laga war hayn sida ay saraakiisha
ciidamada u ogolaan doonaan qorshahaasi.
Tani iyo wixii ka danabeeyay markii ciidamada dowlada Gaar ahaan
kuwa lagu soo tababaray dalka
Ethiopia ay fariisin ka sameeysteen saldhiga galbeed ee degmada
Dharkeenleey ayaa waxaa guud ahaan xirmay goobihii ganacsi ee ku
yaalay inta u dhexeeysa saldhiga iyo deegaanka xoosh ee degmada
Dharkeenleey ee gobolka Banaadir.