XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

kooxo hubeysan oo weerer ku qaaday ganacsade qaad ka ganacsado.

june ,25.2008 (HawiyeNews.com)

Kooxo dableey ah ayaa xalay rasas ku furay gaari rakaab ah oo marayay tuulada Fiidoow ee gobolka Hiiraan Taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rakaabka ahaa ee saarnaa gaarigaasi.

Dableey hubeeyan ayaa rasas aan kala sooc leheeyn ku furtay gaari Min Bas ah oo ka tagay magaalada Gaalkacyo kaasi oo ku soo socday magaalada Muqdisho xili uu marayay inta u dhexeeysa tuulooyinka Fiidoow iyo Jinbiloow ee bartamaha gobolka Hiiraan.

Rasaasta ay kooxaha burcada ah ku fureen gaarigaasi ayaa waxaa ku nafwaayay ku dhawaad 3 qofood oo ka mid ahaa Rakaabkii gaarigasi saarnaa kuwaasi oo lagu wado goor dhow lagu aaso tuulada Fiidoow ee gobolka Hiiraan.

Kooxaha ayaa waxaa ay haayeen kuwa aysan wax jidgooyo ah u oolin xiliga ay gaarigaasi rasaasta ku furayeen waxaana ay arintani timid xili ay howlgalo burcad sifeeyn ah ay halkasi ka wadeen xoogaga Maxaakiimta Islaamiga.

Qeeybo ka mid ah tuulooyinka lagu rasaseeyay gaarigaasi ayaa waxaa saak howlgalo baaritaano ah ka wada xoogaga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed kuwaasi oo baaritaankooda diirada ku saaraya sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen kooxaha dilka ka geeystay wadadasi.

Wadooyinka gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay u muuqdeen dhawaanahan kuwo soo nabdoonaanaya xili xoogaga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ay ka wadeen howlgalo burcad Sifeeyn kuwaasi oo inta badan gacanta ku haya degmooyinka gobolka Hiiraan.

Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons