dedaalo lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo
masuuliyiita Isbeheeysiga dib u xoreynta Dalka Soomaaliya ayaa waxaa
ay ka biloowdeen dalka Jabuuti.Sida ay
shegayaan wararka ka imaanaya dalka Jabuuti waxaa dalkaasia gaaray
ergo ka kala yimid meelo kala duwan kuwaasi oo isku diyaarinaya
sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen wadahadalo lagu doonayo in lagu
dhex dhexaadiyo xubnaha isbeheysiga dib u xoreynta ee ku kala tagay
arimo la xiriro heshiiskii dhawaan dhex maray dowlada KMG Soomaaliya
iyo isbeheeysigaas xubno ka socday.
Wararka ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in
dalka Jabuuti ay gaareen ergo ka kala tagtay dalalka dibada gaar
ahaan wadamada reer galbeed iyo dalka gudihiisa iyo madaxda sar sare
ee Isbeheesigaasi oo dhawaanahan ku suganaa magaalada Nairobi ee
dalka Kenya.
Max’uud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka mid ah xubnaha
isbeheeysiga isla markaana ka mid ah xubnaha dalka dibadiisa
ka yimid ayaa waxaa uu saxaafada u sheegay isaagoo ku sugan
magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti in ay ku dedaalayaan sidii meesha
looga saari lahaa qilaafka hereeyay isla markaan dhex dhexaadin
loogu sameeyn lahaa xubnaha isbeheysiga ee ku kala aragati
duwanaaday qaabkii dhawaan loo wajahay heshiiskii Jabuuti.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xubnaha
isbeheysiga ee sida gaarka ah uu u hareeyay qilaafka kuwaasi oo ku
kala sugnaa magaalooyinka Asmara iyo Nairobi ee dalalka Kenya iyo
Eritrea.
Isbeheysiga Dib u xoreynta ayaa qilaafkooda uu soo
ifbaxay kadib markii xubno ka tirsan isbeheysigaasi oo uu hor kacayo
gudoomiyaha isbeheeysigaasi Shiikh Shariif Shiikh Axmed kuwaasi oo
qalinka ku duugay heshiis ay la galeen dowlada KMG Soomaaliya kaasi
oo lagu doonayay in meesha looga saaro dhibaatooyinka ka jira gudaha
Soomaaliya.