XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Ciidamada Jasiirada Malta oo badbaadiye 27 Ruux oo tahribayaal somaali ah .

june ,25.2008 (HawiyeNews.com)

koox Muhaajiriin Soomaali ah ayaa waxaa dooni ay saarnaayeen kula degtay Jasiirada Malta xili ay safar dhanka bada ah uga soo shiraacdeen dalka Libya.

Sida uu shaaciyay TVga qaranka ee Jasiirda Malta 27 ruux oo tahiirabayaal Soomaali ah oo dooni ay kula Jabtay Biyaha Jasiirada Malta ayaa ciidamada Jasiiradaasi soo badbaadiyeen.

Doontii dadkani ay saarnaayeen ayaa ku soo dhawaatay goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Jasiirada Malta oo xeebaha ilaaliya waxaana la sheegay in doonida dadkasi Soomaalida ah ay bada dul sabeeyneeysay ku dhawaad 27saacadood.

Aroortii hore ee maalintii shalay ayeey doonidani ku soo dhawaatay deegaanka Luca Barac ee Bariga Jasiirada Malta waxaana la sheegay in dadkasi Soomaalida ah ay dharka iska siibeen isla markaana ay gacmaha kor u taagayeen taasi oo ay ula jeedeen in laga soo gaaro waxaana talaabadasi ay sababtay in ciidamada Malta ay ka gaaraan oo ay badbaadiyaan.

Dadkani ayaa waxaa la geeyay Cusbitaal ku yaala meel u dhaw Jasiirada Malta si wax looga qabto xaaladooda caafimaad oo 4 ka mid ah laga deeyrinayo xaaladooda caafimaad.

Dhawaanahan waxaa bada u dhexeeysa wadamada Itlay iyo Libya ayaa waxaa ku nafwaaynayay Soomaali fara badan kadib markii ay doonmo ay saarnaayeen ay inta badan kula degtay xeebahasi taasi oo keentay in tiro Soomaali ah ay ku nafwaayaan.

Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons