Bam gacmeed lagu weeraray
ciidamo itoobiyaan ah oo ku sagan magalaada baled-weyne
june ,25.2008 (HawiyeNews.com)
Qarax loo adeegsaday Bamka gacanta laga tuuro ayaa
waxaa maanta gudaha magaalada Baladweyne loogu geeystay Ciidamada
Ethiopia ee ku sugan gudaha magaaladaasi.
Kooxo hubeeysan ayaa barqanimadii maanta Bamgameed
ku weeraray kolanyo ciidamada Ethiopianka oo ku sii jeeday fariintooda
buurta Janta Kun dishe xili ay illaalo ka hayeen Booyad biyo uga
dhaamineeysay ceel biyood ku yaala gudaha magaalada Baladweyne.
Bamkani iyo rasaas ay fureen ciidamada Ethiopianka
ayaa waxaa uu ahaa mid si weyn looga maqlayay Gudaha magaalada
Baladweyne waloow uusan wax qasare ah geeysan.
Ciidamada Ethiopianka ayaa waxaa ay qaraxaasi kadib
qab qabteen 5 dhalinyaro ah kuwaasi oo ay ku tuhmayeen in ay ka
danbeeyaan qaraxasi waxaana ay ula dhaqaaqeen fariisinkooda burta
Janta un dishe ee duleedka Bari ee magaalada Baladweyne.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay saxaafada u
sheegeen in ay arkayeen ciidamada Ethiopianka ah oo qoriga baadkiisa
ku garaacaya dhalinyaradasi oo ay indhaha ka xireen isla markaana ay
qaarkood rasaas ay ciimadasi wateen ku xamaasheen.
Qaraxani ayaa waxaa uu noqonayaa kii 2aad mudo 24
saac gudahood lala eegto ciidamada Ethiopianka ee ku sugan gudaha
Baladweyne waxaana qarxii shalay uu geeystay dhimasho iyo dhawac soo
gaaray dad rayid ah,waxaana weli ciidamada Ethiopianka gacantooda ku
jira nin rayid ah oo ay shalay qabteen.
Qaraxyada iyo weerarada lala eeganayo ciidamada
Ethiopianka ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa ay noqdeen kuwa soo
badanaya tan iyo wixii ka danbeeyay markii ciidamada Ethiopianka ay ka
guureen Fariisin ay ku lahaayeen Gudaha .
Email:
hawiyenews@gmail.com
|