|
Afhayeenada DFKMG iyo Xoogaga shabaabka oo guulo ka sheegto dagaal ka
dhacay Muqdisho.
July ,28.2008 (HawiyeNews.com)Afhayeenka
labada dhinac ee isku heesta Magaalada muqdisho ayaa guulo kala
sheegtay dagaal shaley ka dhacay xaafado hoos taga degmooyinka hurwaa
iyo Yaqshiid ee Gobalka Banaadir.
Daahir
Maxamed Xirsi oo ah
Afhayeenka Ciidamada DFKMG ay dhawaan lagu soo tababaray Dalka
itoobiya ayaa sheegtay guulo ay ciidankiinsa ay ka geereen Xooga
hubeysan ee kazoo horjeeda horseedka DFKMG ,isagoo sheegay Ciidamada
Dfd ay dileen 13 ka mid ah kooxaha nabad diidka ah islamarkaana
dhaawac u geesteen ilaa 7 ruux waa sida uu hadalka u dhigaye
Afhayeenkaasi.
Afhayeenka ayaa sheegay dagaalkii shaley ay la galeen kooxaha nabad
diidka ah uu qasaaro kasoo gaaray askari ka tirsanaa ciidamadiisa
kaasi ay ku dhaceen firir madaaficdii ay adeegsanaye kooxa naag soo
horjeede ayuu yiri afhayeenkaasi.
Sidoo kale waxaa jawaab kulul ka bixiye hadalkii kaSoo yeeray
Afhayeenka u hadlaye DFKMG C/raxiin Ciise Cadow islamarkaana ku
tilmaamay hadalkii Afhayeenka DF waxa kama jiraan aysan jirin
mujaahidiin looga dilay dagalkii ay shaley lagaleen Copiga Ciidamada
Tigreyga ,isagoo sheegay in dadka ay dileen yihiin dad rayid oo aan
waxba ka galabsan si xaqdaro ahna ay ku dileen.
Sikastaba madooyinkaan ayaa labada dhinac ee DF iyo xooga muqaawamada
ah ay iis soo tarayaan hadba markii dagaal qasaaro ba’an ku geesta
dadka rayid ah ee mid mid kale guulo ugu sheegto taas oo aan ku
tilmaami karno faan ay radanayaan ay u li;anayaan halkii maalinba
boqolaal dad rayid ah iyago kumaan kalena ku dhibetesna yihiin
Daafaha Magaalada Muqdisho.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|