Yaa saadiroow masaanaa ciidan dowladeed"
Waxaad aragta dil waxaad aragta dhac hadii la rabana halagu dilo .
june ,28.2008 (HawiyeNews.com)
(Faalo uu qoray Saxafiga
Albashiir)
Malahan Nadaam ciidan waxa ay udhaqmaan sida
maleeshiyo beeleed, Runtiina waa yihiin maleeshiyo beeleed marka
lafiiro sida ay ugu badan yihiin qabiilooyin gaar ah,waxaa hadba
magaalada muqdisho lasoo galiyaa kuwa lagu leeyahay itoobiyaa lagu soo
tababaray magac ahaan dadka muqdisho waxa ay uyaqaanaan koobi amxaaro,
calal uus iyo magacya kale, marka laga tago kuwa dhar cagaaran wata
inta kale waxa ay ku dhar yihiin oo aan laga aqoon ciidamada itoobiya
ee wadanka jooga, waxa kaliya ee ay ka mideysan yihiin waa naxariis
la'aanta iyo habdhaqanka aan wanaagsaneyn ee ay bulshada kula dhaqmaan,
gaajada iyo diifta ka muuqata ma ahan mid qofkii arkaa uu ku
tilmaamayo ciidan dowladeed,cunista qaadka iyo daraagisyada kasii
daran waa qeybta ugu muhiimsan noloshooda, argagaxa ka muuqda
wajiyadooda oo ay mar marka qaarkood iyaga xataa iska shakinayaan waa
cuqdada ugu weyn ee heysata mid kasta oo iyaga ka mid ah waxa uu isku
heystaa in uu dakano galay, inta magac beeleed ciidamadan ku galay
maahee inta kale hadii la weydiiyo waxa ugu jira ka mid ahaanshahooda
nafsadooda xataa ugama jawaabi karaan.
Majiro mushaar lagu xisaabtamo iskaba daa gunooyin kale oo dheeri ahe
waxaa intaas usii dheer iyagoo xataa maskaxda ku haya in waxii yar ee
loosoo dhiibo ee madaxda sare ka yimaada aysan soogaareen,waayo
taliyayaashoodii ayaaba baahan, taliye kastaa waa jaaniska ugu fiican
ee soomara in la yiraahdo xoogaagan ciidamadaada u qeybi waxa uu ku
ridayaa meel aan kasoo laabata laheyn kaba sii darane wuu hubaa in
aysan jirin cid dib danbe usoo weydiinysa, tababarka kaliya ee lasoo
siiyay waa sida qoryaha loo rido waxna loo toogto warkiis maba jiro
tababar dhinaca dishibiliinka ah iyo hab dhaqanka bulshada, askariba
askariga uu ka naxariis daran yahay wuu kaga qiima badan yahay
guutadiisa, marka ay xiryaha kasoo baxayaan dardaaranka kaliya ee la
soo siiyo waa muqaawimada iska ilaaliya laakiin iyaga dadka muqdisho
oodhan beyba muqaawimo uyaqaanaan, marka aad rabto in aad ka mid
noqoto ma jirto wax shuruud ah oo kugu xiran oon ka aheyn in aad
daacad u tahay itoobiya necebtahayna waxa kasoo horjeeda majiro
shuruudo dhinaca jirka iyo caafimaadka ah ama jirranoow ama jiis ahoow
waad ka mid noqon kartaa kaliya ha gurguuran oo nin socon karo ahoow,
ha lahaan sunooyin kaa muuqda salaadana ha badsan siiba xiliyada aad
la joogto ciidamada itoobiya, Hadaad dhimato isweydiin malaha, hadaad
qof rayid ah disho isweydiin malaha, hadaad askari kale dishana waxaa
ka heshiinaya labadiina beelood kaliya hawaayid odayaal kaala xaala
odayaasha askariga kale waxaad sameysay shaqadaada kuma waayeysid
kaliya ka feejignow aargudasho kaaga timaada cida askariga aad dishay
hadii uu reer looma ooyaan yahayna nasteexo iyo naruuraad dareemeysaa.
Waqtiyada ugu xun ee soomara waa marka ay howlgalada la sameynayaan
ciidamada itoobiya Cabsida kooxaha muqaawimada marka laga tago waxaa
jirta cabsi kale oo aan dhamaan oo kaga timaada ciidamada itoobiya,
hadii laga dareemo in aysan sidooda oo kale unaxariis darneyn waa
halis, hadii aysan si toos ah utoogan dadkana waa halis, hadii ay
fiirfiiriyaan ciidamada itoobiya ee aagaga kula jirana waa halis,
hadii xiliyada howlgaladana ay mobailo usoo dhacaana waa halis, hadii
qof maxbuus loo qabtay ama ciidamada kasoo horjeeda ha ahaado ama qof
rayid ah ha ahaado il naxariis leh ku eegaana waa halis, hadii
meydadka dadka ay iyaga iyo ciidamada itoobiya howlgalkaas ku dilaan
ay dib ufiirfiiriyaan ama laga garto in ay wax ka aqoonsadaana waa
halis, markasta waa in ay furinta uga danbeeyaan ciidamada itoobiya,
hadii ay baqo carar timaadana waa in aysan ku hor ordin, markaa in
caro darteed iyaga dhabarka laga toogtana waa halis, midkii uu
ciidamada itoobiya dilana dib danbe la iskuma weydiiyo, dilkiisu waxa
uu la mid yahay dilka muqaawimada iyo shacabka.
In dadka shacabkaa la iska dilo waa caadadooda, in hantida shacabka la
boobo waa caadadooda, waliba jaaniska ugu macaan ee soomara waa markii
ay howlgalo ka sameynayaan goobaha ganacsiga sida suuqyada, waa ay
ogyihiin in waxii ay boobaan aan cidi usoo raacaneyn waana marka ay
bililiqeystaan xoogaa dhaqaalo ah oo ay ayaan ku noolaadaan, Askarigii
xiliyada howlgalada arka qof uu ciil shaqsiyadeed ama mid qabiil u
qabay waa xiliga ugu haboon ee uu ka aarsan karo, kaliya dilkiisa
waxaa ku filan muqaawimuu ahaa.
Malahan kalsooni lagu qabi karo, madaxda dowladu waxa ay u aqoonsan
yihiin kuwa liita oo aan cadow ka dhicin karin majiro mas'uul
dowladeed oo nafsadiisa ku aamini kara, kaliya waa iigama darayaan
ileyn majiro ciidan itoobiya oo markasta daba soconayee, mas'uulkasta
waxa uu wataa kuwa beeshiisa ee awalba ilaalada u ahaa dowlada ka hor
kii aan xiligaas jirina hada ayuu sameystay, kaliya waxaad ciidamada
dowlada uga dhigi kartaa in aad tuute ugaliso, farxadooda waa kaliya
in aad qaadkooda meel saarto.
Calaamadahaas iyo kuwa ka badan waa staanta ciidamada dowlada dadka
muqdisho iyo gobalada ay ku sugan yihiin joogana waxa ay u naceen sida
ay unecebyihiin ciidamada itoobiya oo kale meeshii ay soo maraana si
dag dag ah ayaa looga kala yaacaa.
Si kastaba arinta ha haatee ciidamadan waxa ay noqdeen astaanta
koowaad ee sharaftii dowladaas dhulka la galay waxa ayna shacabka
soomaaliyeed iyo caalamkaba tuseen in aysan meesha dowladi oolin
dhacdadii ugu xumeyd ee ay ku ceeboobeen ee taariikhda ugashay waxa ay
aheyd bililiqadii ay kal hore ugeysteen suuqa weyn ee bakaara taasoo
sawiro looga soo qaaday iyagoo jawaano dhabarka ku sita, maalin kasta
waxa ay dil, dhac, iyo kufsi ugeystaan shacabka masaakiinta ah ee
awalba ladaalaadhacayay madaafiicda iyo xasuuqa itoobiya waana dhab in
ay kasii nidaam xun yihiin maleeshiyooyinkii hogaamiye kooxeedyada,
waana dhab in ay maalin un mari doonaan halkii ay ku danbeeyeen
maleeshiyooyinkii hogaamiye kooxedyada ee inta iyaga hada ka mid ah
maahee intoodii kale lagu arkay wadamada gees afrika ilaa S/afrika
iyagoo wareegaya oo la' meel ay ciirsadaan kadib markii ay soomaliya
kasoo ceyriyeen xoogagii maxaakimta waana xaqiiq in uu nabsigu soo
daahiri doono.
Bashiir maxamed warsame (albashiir)
Qaahira Masar
albashiir88@hotmail.com
Email:
hawiyenews@gmail.com
|