XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Ciimada maxkamadaha oo sii daaye  ajaaniibtii ay ka qabteen xudur.

june ,28.2008 (HawiyeNews.com)

Jawiga degmada Xudur ee gobolka Bakool oo saakay dagaalo ku dhaxmareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada KMG iyo Ciidamo Taabacsan Maxkamadaha islaamka ee Soomaaliya ayaa Caawa waxa ay tahay mid degan.

Wararka laga helayo degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in ay isaga baxeen Ciidamadii maxkamadaha islaamka oo saacado kooban la wareegay ganac ku heynta Contorolka degmada Xudur.

Guddoomiyaha Gobolka Xudur Maxamed Cabdi toolow oo xiliga uu dagaalku dhacayay ka maqnaa ayaa la xaqiijiyay in uu dib ugu soo laabtay xaruntiisa iyadoo dhaawac guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed macalin iyo dhaawac afar askari oo ah ilaalada labada Guddoomiye la dhigay Cisbitaalka degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Ciidamada Maxkamdaha islaamka ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in ay horay u sii qaateen labo gawaari oo ay lahaayeen labada guddoomiye iyo gawaari uu lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale labadii Qof ee Ajaabinta ee ka shaqeynayay Hay’ada UNDP qeybta la dagaalanka miinooyinka Meyna Akshin oo maanta ay qabteen Ciidamo ka tirsan maxkamadaha Islaamka oo maanta la wareegay gacan ku heynta degmada Xudur ayaa lagu soo waramayaa in ay siidaayeen.

Labadaan Qof ee Ajaanibta ah oo u kula dhashay Wadamada Denmark iyo Sweden ayaa galabta waxa ay ka duuleen garoonka degmada Waajid iyagoo ku sii jeeda Magaalada Nairoobe ee Xarunta Wadanka Kenya.

Maha markii ugu horeysay oo gudaha dalka Soomaaliya lagu Afduubto dad ajaanib ah iyadoo dhawaan kooxo hubeysan ay ku afduubteen deegaanka Ceelasha biyaha madaxii hay’adda UNHCR ee wakiilka Muqdisho.

Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons