Ciidamada
Ethiopia oo iskaga baxay fariisinkoodii Janda Kundisho ee Gobolka
Hiiraan.
june ,28.2008 (HawiyeNews.com)
Ciidamada dalka Ethiopia ee fariisinka
ku lahaa Buurta Janta Kundishe oo ku taala duleedka magaalada
Baladweyne ee gobolka Hiiraan kuwaasi oo isaga guuray fariisinkii ay
ku lahaayeen halkaasi.
Ciidamada fariisinka ku lahaa buurta janta kundishe ayaa lagu soo
waramayaa in xalay saqdii dhexe ay ka guureen halkaasi iyagoo qabtay
dhinaca degmada Feer Feer ee xuduuda la leh dalka Ethiopia, iyadoo
saakayna ciidamadaasi ay ka gudbeen Deegaanka Jawiil ee gobolka
Hiiraan.
Lama oga ujeedada ka danbeysa ka bixitaanka ciidamadan ay ugu baxeen
Buurta Janta Kundishe halkaasi oo ay ka kontorooli jireen gaadiidka
iyo dadka galaya magaalada Baladweyne oo kooxaha ka soo horjeeda ay
bartilmaameed ka dhigteen mudooyinkan danbe ciidamada Ethiopia ee
adeega u doonta gudaha magaalada Baladweyne.
Shalay iyo Doraat ayaa qaraxyo nooca gacanta laga tuuro lagu weeraray
baayado ciidamada Ethiopiaka ay leeyihiin kuwaasi oo biyo ka
dhaaminayey gudaha magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan
Email:
hawiyenews@gmail.com
|