 |
 |
 |
Afhayenka Hawiye |
 |
Afhayeenka beelaha
Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali |
Siyaasiga Hawiye |
 |
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan. |
New S.Y.L |
 |
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L
Cawaale |
|
Latest Update:
Thursday, December 13, 2007 4:21 PM
|
|
Kooxaha
ka soo horjeeda dawlada KMG oo mudo kuuban gacanku haynta degmada
Xudur la wareegay.
june ,28.2008 (HawiyeNews.com)
Wararka aan ka heleyno degmada
Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay
dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uu
ka qarxay, dagaalkaasi oo dhex maray ciidamada Dowladda KMG iyo
kooxaha ka soo horjeeda.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay
weerar ku soo qaadeen degmada Xudur, iyadoo ciidamada Dowladda ee
halkaasi ku sugnaa ay iska caabin xoogan kala hortageen kooxihii
weerarka ku soo qaaday, warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in
kooxihii weerarka soo qaaday ay la wareegeen gacan ku heynta degmada
Xudur, walow wararkaasi ay yihiin kuwo aan la xaqiijin.
Daryanka Madaafiicda iyo rasaasta kala duwan ee ay is weydaarsanayaan
labada dhinac ayaa laga maqlayaa tuulooyinka ku xeeran degmada Xudur
waxaana sidoo kale hawada ka baxay isgaarsiintii degmadaasi ay laheyd
taasoo keentay in aan wax badan laga ogaan karin dagaalka halkaasi ka
socda.
Kadib dagaal xoogan ayaa waxaa ku guulaystay gacan ku haynta degmada
Xudur ee Gobolka Bakool kooxa ka soo horjeeda dawlada KMG oo mudo
gaaban ku sugnaa dagmada xudur ka dibna isaga baxay.
Waxaa adag in la ogaado khasaaraha dagaaladan ay geysteen sababo la
xariira isgaarsiinta oo hawada ka baxsan.
Gobolada Bay iyo Bakool ayaa waxaa ku sugan maliishiyooyin ka tirsan
Ururka Al-Shabaab waxaana hoggaamiya Afhayeenka ururkaasi Sh. Muqtaar
Roobow "Abuu Mansuur" oo qaabilsan howlgalada ururka Al-Shabaab ee
Gobolada Bay iyo Bakool.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|
|
|