Ciidamada DF ay lagu soo tabaray
itoobiya oo howl-galo ka sameeye Degamada Hurwaa ee Muqdisho.
July ,29.2008 (HawiyeNews.com)
Ciidamada dowlada
KMG Soomaaliya ee dhawaan lagu soo tababaray dalka Ethiopia ayaa
maanta ku faafay qeeybo ka mid ah degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir
gaar ahaan suuqa Huriwaa waxaana guud ahaa hakad uu ku yimid isku
socodka Ganacisga ee suuqaasi dhanka kale rasaas ay fureen ciidamada
dowlada ayaa waxaa ku dhawacmay dad rayid ah.
Ciidamadani oo
saaka ka soo ruqaansaday fariisinka ay ku leeyihiin Warshada Xeyle
Barise ee degmada Huriwaa waxaana ay ciidamadasi ku fideen Wadada
laamiga ah ee gasha suuqa Huriwaa halkaasi oo ay ka bilaabeen howlgalo
waxaana ay ciidamadaasi ridayeen rasaas fara badan marka ay galayeen
suuqaasi waxaana rasaasta ay fureen ku dhawacmay qof rayid ah oo ku
sugnaa halkaasi.
Mid ka mid ah
dadka degaanka ayaa waxa Hawiye Neys uga waramay xaalada sida ay
tahay waxaana uu sheegay in ciidamadani ay soo gaareen suuqa isla
markaana ay goor dhow dib ugu laabteen fariisimihii ay markii hore ka
soo ruuqaansadeen waxaana uu intaa ku daray gobjoogahaasi in rasaas ay
fureen ciidmada uu ku dhaawacmay qof rayid ah kaasi oo dhawaciisa loo
qaaday cusbitaalada Muqdisho mid ka mid ah.
In kastoo
ciidamada dhawaan lagu soo tababaray dalka Ethiopia ay maanta ku
sugnaayeen laamiga hareerihiisa iyo Wadooyinka gala suuqa Huriwaa isla
markaana aysan wax howlgal ah sameeyn ayaa hadana Afhayeenka
Ciidamadasi Daahira Max'ed Xersi waxaa uu sheegay in ciidamada ay
dhaqdhaqaaqoodu uu ahaa mid ay ku howlgalayeen waxaana uu sheegay in
qorshaha uu ugu jiro in ay howlgalo balaaran ka sameynaa magaalada
Muqdisho oo dhan marka laga reebo suuqa Bakaaraha.
Xaalada
Deegaanka Suuqa Huriwaa ayaa degan kadib markii ciidamada dowlada ee
dhawaan lagu soo tababaray dalka
Ethiopia
ay dib ugu soo labteen fariisimihii ay ka ruuqaansadeen saaka ee
ahaayed dhismaha Xeyle Bariise.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|