XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Madaxii hey'ada Elmay oo lagu aasay KM,13 ee Muqdisho

July ,29.2008 (HawiyeNews.com)

Guddoomiyaha hay’ada  Xuquul Aadanaha ee Hay’adda Elman ing Sudan Cali oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu Aasay Khabuuraha KM,13 ee duleedka Magaalada Muqdisho.

 

Allaha u naxariistee Ing Sudan Cali Axmed oo maanta lagu Aasay khabuuraha Macalin Nuur ee duleedka magaalada Muqdisho iyadoo aaska Marxuumkaasi ay ka soo qeyb galeen  boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada .

 

Marxuumka ayaa xalay waxa uu ku geeriyooday hoygiisa oo ku yaala degmada waabari ee Gobolka banaadir ka dib xanuun haayay  mudo laba bil ah sida uu idaacada Shabelle u xaqiijiyay  Cali ganey oo ah aabaha dhalay marxuum Sudan Cali Axmed.

 

Marxuum Sudan Cali axmed ayaa ah nin Ololeyn jiray dadka dhibaateysan ee Soomaalida ah  ee dhinaca Xuquuqul Aadanaha islamarkaana uu ahaa nin shaqooyin u abuura dadka aan waxba heysan sida uu saxafiyiinta u xaqiijiyay Cali Yaasiin Cali fadhaa.

 

 

Ugu dembeyntii Ing Sudan Cali axmed waxa uu ku dhashay degmada Ceel Buur ee Gobolka Gal gaduud sanadkii 1955,waxaana uu ifka kaga tagay 2 Xaas iyo 7 Caruur ah,waxaana wax barashada hoose Dhaxa iyo sare uu dhameystay dugsiyda sheekh Xasan  barsame iyo Macalin Jaamac.

 Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons