Sheekadu
waa ay ka kulushahay Shariif iyo Janaqow ayaa gar leh, Xasan
Daahir iyo Yuusuf Indho-cade ayaa jid leh!!
june ,29.2008 (HawiyeNews.com)
Tan iyo markii ay soo
ifbaxday kala qeybsanaanta iyo khilafka dhinaca filkirka aha ee u
dhaxeeya mas’uuliyiintii ku wada jirtay golahii maxaakiimta iyo kan
shuurada ayaad moodaa iney misana sii kala fogaanayaan dadka sida
xooga leh u taageersanaa nidaamkii maxaakiimta islaamiga dalka kusoo
kordhiyeen iyo halgankii mideysnaa ee loogu jiray in dalka laga saaro
Itoobiyaanka kusoo duulay, waxaana taasi ugu wacan saameynta ay ku
yeelatay khilaafka soo kala dhex galay madaxda iyo xubnaha isbaheysiga
dib u xureynta.
Hadalada kulul ee ay warbaahinta isku weydaarsanayaan
ragii lagu hanweynaa iney dhibaatada ka saaraan shacabka, waxa keliya
oo ay soo kordhisay hadaladaasi kulul ee leys weydaarsanayo waa iney
farxad gelisay oo weliba ay neef qabow kasoo fujisay cadowgii shalay
halka dhinac looga soo wada jeeday, iyo iney taageerayashoodii noqdaan
kuwa la kala saftay labada dhinac oo dariiqyada iyo goobaha lagu
shaaho isku dacaayadeeya iyo qaar kale oo weli ku jahwareeran ama
daraasaad ku haya dhankii ay raaci lahaayeen.
Maxaa ka xun in khilaafkii ka dhashay go’aanadii kasoo
baxay kulankii Jabuuti uu hoos ugu sii dhaadhaco raggii hubkooda la
hor taagnaa cadowga Itoobiya muddo laba sanno ku dhowaad ah, sow ceeb
iyo weji gabax naguma aha inaan berito maqalno in xoogagii maxaakiimta
ay isagala hor yimaadeen hubkii ay cadowga u wateen?
Waxaan leeyahay sida ay iminka wax u socdaan ma ahan
mid qancineysa dadkii naftooda iyo maalkooda u huray taageerida iney
Soomaaliya ka xurowdo iyo kuwii ku naafoobay ama weli ugu adkeysanaya
daruufaha adage e nololeed markii guryahooda lagu barakiciyay.
Waxaan qabaa iney tahay arrin aan la aqbali karin in
khilaafka jira uu gaaro halka aynu wadnaha farta kaga heyno, waana
innagoo ku qasabna in raggii ku kala booday heshiiska Jabuuti ay u
tanaasulaan hambada ka hartay dadkooda oo uu gumeysigu bar xasuuqay,
iyaguna aaney barka haray sii dhameystirin.
Waxaan soo jeedinayaa in marka hore laga fogaado wixii
dacaayad shaqsiyadeed iyo mid kooxeeed ah oo sii hurion kara khilaafka,
islamarkaana kuwa aan ka xishoonin hadalada dacaayadda in loo arko
iney yihiin u adeegayaashii cadowga, sidoo kalena in aad loo miisaamo
fikradaha ay kala qabaan labada dhinac, leyskuna raaco tan ay danta
ugu jirto dadkeena dhibaateysan ee dhimanaya maalin kasta iyo kuwa
weli xabadda la hortaagan taangiga cadowga.
Haddii fikradahooda aynu dhaqsi xukmin weyno ama aynu
kari weyno ineynu hal meel isugu ururino, waxaa inoo furan in dhinaca
xubnaha ugu badan ee isku ra’yiga ah aan taladooda soo dhoweyno, kuwa
kalena aan si wada-jir ah ugu sheegno iney dhanica looga batay ay u
tanaasulaan, sidaasna ay baal dahab ah uga galaan ummaddooda
Qodobka ugu dambeeya ee inoo furan inaan khillafkooda
ku kala saarno, waa inagoo u saarna guddi culumaa'udiin Soomaaliyeed
ah oo dhinacyadan ka madax-bannaan, kuwaasi oo garsoorka ay ka
gaaraana uu noqdo midka ugu dambeeya ee aynu ku wada gudoonno, kuna
wada qanacno, waayo raggii golahii maxaakiimta ku wada jiray oo nabad
iyo nidaam muddo gaaban socday ina tusay, ma ahan mid aynu kaga qanci
karno iney sidii hogaamiye-kooxeedyadii hubka isku soo qaataan, iyadoo
uu cadowgiina weli dalka ku sugan yahay.
Wabillaahi Towfiiq.
Waxaa Qoray:
Ganacsade Cali Maxamed Jimcaale (Cali Ooyaaye)
Email:alioyaaye@hotmail.com
Email:
hawiyenews@gmail.com
|