XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Shirkii  Den Haag ee Dalmar Foundation & Khudbadii Prof. Cabdi Ismaciil Samatar, daawo Sawirada

june ,29.2008 (HawiyeNews.com)
 

Waxaa xalay lagu qabtay magaalada The Hague (Danhaag) ee dalka Holland shir looga hadlayey arrimaha Soomaaliya oo ay ka soo qeybgaleen waxgarad Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalal  ka tirsan Yurub & Mareykanka, waxaana dadkii lagu casuumay in ay ka hadlaan shirkaasi ka mid ahaa  Prof Axmed Ismaaciil  Samatar oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax ka dhiga, hormudna ka ah Jaamacad ku taalla Manisota USA,  waxaana shirkaasi soo qabanqaabisay hayįdda Dalmar Foundation uu ciwaankiisu ahaa ``Somali Binding Day``

Shirkaasi  waxaa xiriiriye ka ahaa  C/maalik Yuusuf oo ka mid ah masuuliyiinta Dalmar Foundation, wuxuuna uga mahadceliyey ka soo qeybgalayaasha aqbalaadooda kulanka, intii aanu shirku furmin wuxuu ka codsaday C/maalik ka soo qeybgalayaashii in ay ka aqblaan in  la wada istaago oo istaag lagu qaado heestii (Soomaaliyeey toosoo), waxaana dadkii ka soo qeybgalay dhammaantood oo istaagan ay qaadeen heestaasi,  waxaana markaa kadib hadalkii furitaanka shirka lagu maamuusay  Iimaan Nuur Iikar oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee magaalada Denhaag, wuxuuna ku soo dhoweeyey marti sharaftii ka soo qeybgashay shirka ee ka yimid dalalka fog fog magaalada Denhaag, waxaana uu xusay in loo baahan yahay in la joogteeyo shirarka la isku aragti darsanayo ee looga hadlayo arrimaha murugsan ee Soomaaliya ``Bulsho kasta oo dunida ku nool marka ay la soo gudboonaato dhibaato la mid ah tan dalkeena ka dhacday waxaa u istaaga oo wax ka qabta dadkeeda aqoonyahanada ah, Soomaaliduna inkastoo ay tahay waqti danbe (it is too late)  haddana waa in dadkeeda aqoonyahanada ah meel kasta oo ay joogaan  ay isu yimaadaan, oo ay tashadaan, kana tashadaan sidii ay dadkooda & dalkooda u badbaadin lahaayeen, waxaan uga mahadcelinayaa Prof. Axmed Ismaaciil Samatar aqbaalada inuu shirkaan muhiimka ah ka qeybgalo, waana shaqsi maanta taariikhda Soomaaliya baal dahab ah kaga jira xilliyadaan adag adag ee Soomaalidu ku jirto,  maadaama uu mar walba ka qeybgalo kulamada ay yeelanayaan (Somali Diaspora)``  Sidoo kale Iimaan Iikar wuxuu  ammaan u soo jeediyey qabanqaabiyayaasha shirka oo ah Dalmar Foundation, wuxuuna u soo jeediyey in aysan ka caajisin isu keenida aqoonyahanada & waxgaradka si la isugu baraarujiyo wax kasta oo aan ka qaban karno xaalada dadkeena.


Waxaa markaa  kadib cod-baahiyaha lagu soo dhoweeyey Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo intii aanu wax hadal ah ka jeedin kulanka, mar kale ka codsaday dadkii shirka ka soo qeybgalay in ay isu taagaan heestii (Qolaba calankeedu waa cayn) ee uu hal abuurkeedu lahaa  Xuseen Aw Faarax Dubbad, laxankana uu saaray  Cabdillaahi Qarshe, waxaana si aad u qurux badan loo wada jiibiyey heestaasi, markaa kadibna waxaa hadalkii qaatay Prof. Samatar oo   khudbad dheer oo aad u qiimo badneyd  u jeediyey dadkii Soomaaliyeed ee ka soo qeybgalay shirkaasi, waxaana uu ka hadlayo arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada Soomaaliya, wuxuuna u kala qaaday dhowr qeybood, waxaana uu sal uga dhigay khudbadiisa (Hogaan xumo maxey keeni kartaa) waxaana uu Soomaalida ku tilmaamay dad dhinac kasta oo wanaag lagu gaari karo ka gablamay (ka arradan),  sidaas oo ay tahayna mar walba rajada aan qabnaa waa in marxalada adag laga bixi doono idinka ILLAAHEY  ``Afrika oo adduunka ugu hooseysa ayaan ka sii hooseynaa haddii aan Soomaali nahay, wax ugu liita ee liidasheena loo soo qaadan karo waxaa ka mid ah, Falastiiniyiinta marka ay hadlayaan waxey dadkooda ku yiraahdaan ``Yeeynaan noqon Soomaaliya oo kale`` tusaalahaasi wuxuu muujinayaa cid kaleba daaye Falastiin oo aan weligeed xor noqon oo dowlad noqon, in Soomaaliya oo 48 sano xornimo haysatay ay tusaalahaa u soo qaadato, wuxuuna Soomaalida kula taliyey inteey goori goor tahay in ay danahooda gartaan, sankana ka qabsadaan qabiilka & qurunka.

Prof. Samatar wuxuu ka hadlay in Soomaalida looga baahan yahay in waqtiga adag ee ay soo mareen  ay wax ku qaataan, ayna ka faaideystaan fursadaha hadda horyaala ee ku saabsan sidii ay dib boorka uga jafi lahaayeen Qaranimadoodii ka burburtay ``Waqtigu waa uu socdaa, waxaa la yaab leh in aan weli la is weydiin haddii waqtiga uu ka dhammaado dowladda KMG ah maxaa lagu bedeli doonaa, ma arag meel arrintaas looga hadlayo, marka la gaaro 2009 ee waqtiga TFG-du dhammaato maxaa talo ah, ma wax lagu bedelaa la hayaa mise iyada (TFG-da) ayaa xilliga loo kordhinayaa, haddii loo kordhiyo anigu habaar baan u arkaa & in Soomaali haadaan kale lagu riday) 

Prof. Axmed Ismaaciil waxyaabaha kalee uu ka hadlay waxaa ka mid ah  rajada laga qabo inuu miro dhal noqdo heshiiskii ay dhowaan Jabuuti ku saxiixeen dowladda KMG ah & Isbaheysiga dib u xorreynta Soomaaliya, wuxuuna isagoo ka hadlaya heshiiskaasi uu sheegay inuu weli uruurinayo xogta ku saabsan shirkaasi, oo aanu horay ka dhaliili karin maadaama qabsoomidiisa juhdi badan oo dhaqaale & maskaxba isugu jira  la geliyey,  balse wuxuu tilmaamay in markii uu akhriyey qodobadii  lagu saxiixay heshiiskaasi inuu uu arkay in heshiiskaasi uu leeyahay kheyr & qasaare is barkan.

Wuxuu sheegay Prof. Samatar in uu ka soo horjeedo 3 ka mid ah qodobada Jabuuti lagu saxiixay, 3 qodobadaasi ka mid ahna uu soo dhoweynayo, wuxuuna qodobada uu soo dhoweynayo ku sheegay sidatan.

1)  In lagu xuso heshiiskaasi in sharafta, qaranimada & madaxda banaanida Jamhuuriyada Soomaaliya ay muqadas tahay.

2)  In colaadaha & dagaalada Soomaalida dhexdeeda lagu dhammeeyo wadahadal, oo dilka & xoogga Soomaalida dhexdeeda ah xal laga gaaro, oo la gaaro biseyl lagu wadahadli karo.

3)  In aan laga horjoogsana in adduunyadu ay mucaawino gaarsiiso dadka Soomaaliyeed ee dhowrka milyan ah ee dalkii ku maluulsan ee dhibaatadu ku hayso

Saddexda qodob ee uu ka biyo diday wuxuu ku sheegay.

1)  Ciidamada Itoobiya ee wadanka xoogga & xaq darrada ku soo galay in ay dalka degdeg uga baxaan lama sheegin, oo lama cadeyn xilliga ciidamadaasi xaaraanta dalka ku soo galay ay baxayaan, lamana soo qaadin sida laga yeelayo dadka ka badan 6-da kun ee Soomaaliyeed ee ay laayeen (Tiradu dadka ay laayeen intaa waa ka badan tahay laakiin tiro koob sax ah ma hayo), 20-ka kun ee ay dhaawaceen cidda massuliyadaasi qaadeysa lagama hadlin & waqtiga la xisaabtamayo, waxey aheyd in laga hadlo waana qodob muhiim ah

2)  Haddiiba ay baxaan Itoobiya4 bilood kadib, ciidamada kale ee la keenayo haddii ay shacabkii diidan yihiin dowladda hadda jirta ma ciidamo madax-banaan bey noqonayaan mise ciidamo u qidmeynaya dowladda, taana waa muhiim in la cadeeyo.

3)  Dowladda & Isbaheysiga kama aaney hadlin sida laga yeelayo arrinta madaxtinimada iyo sida loo raadinayo, waxeyna aheyd in heshiiska lagu cadeeyo, waayo labada qolo mid kastaahi waxey haysataa in ay iyadu tahay tan xalaashaa ee danta & maslaxada ummadda wadaa, waxeyna aheyd in la is weydiiyo maxeynu yeelnaa.

Markii ay dhammaatay khudbadii Prof. Samatar oo runtii aheyd mid aad u qiima badan oo aanan qoraal lagu idleyn karin, ayaa dadweynihii ka soo qeybgalay shirkaasi waxey suįalo weydiiyeen Profasoorka, waxaana suįalihii la weydiiyey ka mid ahaa.

(Shirkii sanadkii hore ka dhacay wadankaan Holland, dadkii ka soo qeybgalay waxaad u sheegtay in ay xaq tahay in Xabashida lala diriro oo dagaalkeedana aan loo kala harin, hadda maadaama heshiis lagu gaaray shirkii Jabuuti, weli ma waxaad qabtaa fikirkii dagaalka Xabashida mise waxbaa iska kaa bedelay), wuxuu ku jawaabay Prof. Samatar ``Horta qolo kasta ee maanta Xabashida dalkii kula dagaalameysa aniga xageyga salaan bey ka mudan yihiin, waayo waxey ka tarjumayaan Soomaali in aan la gumeysan karin, oo aaney Xabashi sanka ka duri karin, tan kale, haddii aanan lala dagaalamin maxey tahay waddada kale ee inoo furan bal inoo sheeg, ma in la isku dhiibaa,  waxaan qabaa ilaa inta ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxayaan in la wado dagaalka oo aanu joogsan, haddii la keeno ciidamo kale waa in dagaalka la joojiyaa, shuruuda ugu weyni waa in ay dalka ka baxaan Itoobiyaanka``

Markii uu dhammaaday waqtigii loogu talogalay khudbadii Prof. Samatar & wixii suįalaa ee la weydiin lahaana ay dhammaadeen, ayaa  masuuliyiinta Dalmar Foundation ee soo abaabulay shirka waxey soo xuleen 4 xubnood oo ka mid ahaa dadkii ka soo qeybgalayaasha ahaa, waxaana 4-taas xubnood la dhex dhigay suįal aheyd sida Soomaali lagu badbaadin karo, xalna looga gaari karo colaadaha, waxaana xubnahaasi ka mid aheyd Xamsa Sheekh Xuseen Ha noolaato oo aheyd gabar uu dhalay Sheekh Xuseen Ha noolaato oo ka mid ahaa halyeeyadii Soomaaliyeed ee ka soo qeybgalay halgankii xorriyad doonka Soomaaliya, oo ka hadashay taariikhdii ay ka qoray aabaheed ee ku saabsaneyd sidii ay Soomaali isugu duubneyd markii ay gumeysiga la dirireysay & tacadiga maanta haysta ``Ma jirto addduunka dal uu gumeysi inta qabsado uu ku cimriyo waxaana imaan doonto waqti aan fogeyn in Soomaali ay iyadu ka tashado aayaheeda, gumeysigana dalka laga saaro, maalintaas bey Soomaali xisaabtami doontaa`` ayey tiri Xamsa.

Cabdishakuur Cilmi Xassan

E-mail. Cabdishakuur48@live.com

Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons