Shirkii Den Haag ee Dalmar Foundation & Khudbadii
Prof. Cabdi Ismaciil Samatar,
daawo
Sawirada
june ,29.2008 (HawiyeNews.com)

Waxaa xalay lagu qabtay
magaalada The
Hague (Danhaag) ee dalka Holland shir looga hadlayey arrimaha
Soomaaliya oo ay ka soo qeybgaleen waxgarad Soomaaliyeed oo ka kala
yimid dalal ka tirsan Yurub & Mareykanka, waxaana dadkii lagu
casuumay in ay ka hadlaan shirkaasi ka mid ahaa
Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan
Soomaaliyeed oo wax ka dhiga, hormudna ka ah Jaamacad ku taalla
Manisota USA,
waxaana shirkaasi soo qabanqaabisay hayįdda Dalmar
Foundation uu ciwaankiisu ahaa ``Somali Binding Day``
Shirkaasi waxaa xiriiriye ka ahaa
C/maalik Yuusuf oo ka mid ah masuuliyiinta Dalmar Foundation,
wuxuuna uga mahadceliyey ka soo qeybgalayaasha aqbalaadooda kulanka,
intii aanu shirku furmin wuxuu ka codsaday C/maalik ka soo
qeybgalayaashii in ay ka aqblaan in la wada istaago oo istaag lagu
qaado heestii (Soomaaliyeey toosoo), waxaana dadkii ka soo qeybgalay
dhammaantood oo istaagan ay qaadeen heestaasi, waxaana
markaa kadib hadalkii furitaanka shirka lagu maamuusay Iimaan Nuur
Iikar oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee magaalada Denhaag,
wuxuuna ku soo dhoweeyey marti sharaftii ka soo qeybgashay shirka ee
ka yimid dalalka fog fog magaalada Denhaag, waxaana uu xusay in loo
baahan yahay in la joogteeyo shirarka la isku aragti darsanayo ee
looga hadlayo arrimaha murugsan ee Soomaaliya ``Bulsho kasta oo dunida
ku nool marka ay la soo gudboonaato dhibaato la mid ah tan dalkeena ka
dhacday waxaa u istaaga oo wax ka qabta dadkeeda aqoonyahanada ah,
Soomaaliduna inkastoo ay tahay waqti danbe (it is too late)
haddana waa in dadkeeda aqoonyahanada ah meel kasta oo ay
joogaan ay isu yimaadaan, oo ay tashadaan, kana tashadaan sidii ay
dadkooda & dalkooda u badbaadin lahaayeen, waxaan uga mahadcelinayaa
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar aqbaalada inuu shirkaan muhiimka ah ka
qeybgalo, waana shaqsi maanta taariikhda Soomaaliya baal dahab ah kaga
jira xilliyadaan adag adag ee Soomaalidu ku jirto,
maadaama uu mar walba ka qeybgalo kulamada ay yeelanayaan (Somali
Diaspora)`` Sidoo kale Iimaan Iikar wuxuu ammaan u soo
jeediyey qabanqaabiyayaasha shirka oo ah Dalmar Foundation, wuxuuna u
soo jeediyey in aysan ka caajisin isu keenida aqoonyahanada &
waxgaradka si la isugu baraarujiyo wax kasta oo aan ka qaban karno
xaalada dadkeena.

Waxaa markaa kadib cod-baahiyaha lagu soo dhoweeyey
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo intii aanu wax hadal ah ka jeedin
kulanka, mar kale ka codsaday dadkii shirka ka soo qeybgalay in ay isu
taagaan heestii (Qolaba calankeedu waa cayn) ee uu hal abuurkeedu
lahaa Xuseen Aw Faarax Dubbad, laxankana uu saaray
Cabdillaahi Qarshe, waxaana si aad u qurux badan loo wada jiibiyey
heestaasi, markaa kadibna waxaa hadalkii qaatay Prof. Samatar oo
khudbad dheer oo aad u qiimo badneyd u jeediyey dadkii
Soomaaliyeed ee ka soo qeybgalay shirkaasi, waxaana uu ka hadlayo
arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada Soomaaliya, wuxuuna u kala
qaaday dhowr qeybood, waxaana uu sal uga dhigay khudbadiisa (Hogaan
xumo maxey keeni kartaa) waxaana uu Soomaalida ku tilmaamay dad dhinac
kasta oo wanaag lagu gaari karo ka gablamay (ka arradan), sidaas oo
ay tahayna mar walba rajada aan qabnaa waa in marxalada adag laga bixi
doono idinka ILLAAHEY ``Afrika oo adduunka ugu hooseysa
ayaan ka sii hooseynaa haddii aan Soomaali nahay, wax ugu liita ee
liidasheena loo soo qaadan karo waxaa ka mid ah, Falastiiniyiinta
marka ay hadlayaan waxey dadkooda ku yiraahdaan ``Yeeynaan noqon
Soomaaliya oo kale`` tusaalahaasi wuxuu muujinayaa cid kaleba daaye
Falastiin oo aan weligeed xor noqon oo dowlad noqon, in Soomaaliya oo
48 sano xornimo haysatay ay tusaalahaa u soo qaadato, wuxuuna
Soomaalida kula taliyey inteey goori goor tahay in ay danahooda
gartaan, sankana ka qabsadaan qabiilka & qurunka.

Prof. Samatar wuxuu ka hadlay in
Soomaalida looga baahan yahay in waqtiga adag ee ay soo mareen ay wax
ku qaataan, ayna ka faaideystaan fursadaha hadda horyaala ee ku
saabsan sidii ay dib boorka uga jafi lahaayeen Qaranimadoodii ka
burburtay ``Waqtigu waa uu socdaa, waxaa la yaab leh in aan weli la is
weydiin haddii waqtiga uu ka dhammaado dowladda KMG ah maxaa lagu
bedeli doonaa, ma arag meel arrintaas looga hadlayo, marka la gaaro
2009 ee waqtiga TFG-du dhammaato maxaa talo ah, ma wax lagu bedelaa la
hayaa mise iyada (TFG-da) ayaa xilliga loo kordhinayaa, haddii loo
kordhiyo anigu habaar baan u arkaa & in Soomaali haadaan kale lagu
riday)
Prof. Axmed Ismaaciil waxyaabaha kalee
uu ka hadlay waxaa ka mid ah rajada laga qabo inuu miro dhal noqdo
heshiiskii ay dhowaan Jabuuti ku saxiixeen dowladda KMG ah &
Isbaheysiga dib u xorreynta Soomaaliya, wuxuuna isagoo ka hadlaya
heshiiskaasi uu sheegay inuu weli uruurinayo xogta ku saabsan
shirkaasi, oo aanu horay ka dhaliili karin maadaama qabsoomidiisa
juhdi badan oo dhaqaale & maskaxba isugu jira la
geliyey, balse wuxuu tilmaamay in markii uu akhriyey qodobadii
lagu saxiixay heshiiskaasi inuu uu arkay in heshiiskaasi uu
leeyahay kheyr & qasaare is barkan.

Wuxuu sheegay Prof. Samatar in uu ka soo
horjeedo 3 ka mid ah qodobada Jabuuti lagu saxiixay, 3 qodobadaasi ka
mid ahna uu soo dhoweynayo, wuxuuna qodobada uu soo dhoweynayo ku
sheegay sidatan.
1) In
lagu xuso heshiiskaasi in sharafta, qaranimada & madaxda banaanida
Jamhuuriyada Soomaaliya ay muqadas tahay.
2) In
colaadaha & dagaalada Soomaalida dhexdeeda lagu dhammeeyo wadahadal,
oo dilka & xoogga Soomaalida dhexdeeda ah xal laga gaaro, oo la gaaro
biseyl lagu wadahadli karo.
3) In
aan laga horjoogsana in adduunyadu ay mucaawino gaarsiiso dadka
Soomaaliyeed ee dhowrka milyan ah ee dalkii ku maluulsan ee dhibaatadu
ku hayso
Saddexda qodob ee uu ka biyo diday wuxuu
ku sheegay.
1) Ciidamada
Itoobiya ee wadanka xoogga & xaq darrada ku soo galay in ay dalka
degdeg uga baxaan lama sheegin, oo lama cadeyn xilliga ciidamadaasi
xaaraanta dalka ku soo galay ay baxayaan, lamana soo qaadin sida laga
yeelayo dadka ka badan 6-da kun ee Soomaaliyeed ee ay laayeen (Tiradu
dadka ay laayeen intaa waa ka badan tahay laakiin tiro koob sax ah ma
hayo), 20-ka kun ee ay dhaawaceen cidda massuliyadaasi qaadeysa lagama
hadlin & waqtiga la xisaabtamayo, waxey aheyd in laga hadlo waana
qodob muhiim ah
2) Haddiiba
ay baxaan Itoobiya4 bilood kadib, ciidamada kale ee la keenayo haddii
ay shacabkii diidan yihiin dowladda hadda jirta ma ciidamo
madax-banaan bey noqonayaan mise ciidamo u qidmeynaya dowladda, taana
waa muhiim in la cadeeyo.
3) Dowladda
& Isbaheysiga kama aaney hadlin sida laga yeelayo arrinta
madaxtinimada iyo sida loo raadinayo, waxeyna aheyd in heshiiska lagu
cadeeyo, waayo labada qolo mid kastaahi waxey haysataa in ay iyadu
tahay tan xalaashaa ee danta & maslaxada ummadda wadaa, waxeyna aheyd
in la is weydiiyo maxeynu yeelnaa.
Markii ay dhammaatay khudbadii Prof.
Samatar oo runtii aheyd mid aad u qiima badan oo aanan qoraal lagu
idleyn karin, ayaa dadweynihii ka soo qeybgalay shirkaasi waxey suįalo
weydiiyeen Profasoorka, waxaana suįalihii la weydiiyey ka mid ahaa.
(Shirkii sanadkii hore ka dhacay wadankaan Holland, dadkii ka soo
qeybgalay waxaad u sheegtay in ay xaq tahay in Xabashida lala diriro
oo dagaalkeedana aan loo kala harin, hadda maadaama heshiis lagu
gaaray shirkii Jabuuti, weli ma waxaad qabtaa fikirkii dagaalka
Xabashida mise waxbaa iska kaa bedelay), wuxuu ku jawaabay Prof.
Samatar ``Horta qolo kasta ee maanta Xabashida dalkii kula
dagaalameysa aniga xageyga salaan bey ka mudan yihiin, waayo waxey ka
tarjumayaan Soomaali in aan la gumeysan karin, oo aaney Xabashi sanka
ka duri karin, tan kale, haddii aanan lala dagaalamin maxey tahay
waddada kale ee inoo furan bal inoo sheeg, ma in la isku dhiibaa,
waxaan qabaa ilaa inta ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxayaan in la
wado dagaalka oo aanu joogsan, haddii la keeno ciidamo kale waa in
dagaalka la joojiyaa, shuruuda ugu weyni waa in ay dalka ka baxaan
Itoobiyaanka``
Markii uu dhammaaday waqtigii loogu
talogalay khudbadii Prof. Samatar & wixii suįalaa ee la weydiin
lahaana ay dhammaadeen, ayaa masuuliyiinta Dalmar Foundation ee soo
abaabulay shirka waxey soo xuleen 4 xubnood oo ka mid ahaa dadkii ka
soo qeybgalayaasha ahaa, waxaana 4-taas xubnood la dhex dhigay suįal
aheyd sida Soomaali lagu badbaadin karo, xalna looga gaari karo
colaadaha, waxaana xubnahaasi ka mid aheyd Xamsa Sheekh Xuseen Ha
noolaato oo aheyd gabar uu dhalay Sheekh Xuseen Ha noolaato oo ka mid
ahaa halyeeyadii Soomaaliyeed ee ka soo qeybgalay halgankii xorriyad
doonka Soomaaliya, oo ka hadashay taariikhdii ay ka qoray aabaheed ee
ku saabsaneyd sidii ay Soomaali isugu duubneyd markii ay gumeysiga la
dirireysay & tacadiga maanta haysta ``Ma jirto addduunka dal uu
gumeysi inta qabsado uu ku cimriyo waxaana imaan doonto waqti aan
fogeyn in Soomaali ay iyadu ka tashado aayaheeda, gumeysigana dalka
laga saaro, maalintaas bey Soomaali xisaabtami doontaa`` ayey tiri
Xamsa.
Cabdishakuur Cilmi Xassan
E-mail. Cabdishakuur48@live.com
Email:
hawiyenews@gmail.com
|