XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Xoogaga Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku haynta deegaano ka tirsan Gobolka Bay .

june ,29.2008 (HawiyeNews.com)
 
Ururka Al-Shabaab ayaa deegaano hor leh la waraagay xalay iyo saakay kuwaasi oo muhiim u ah Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, waxayna xalay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Bardaale oo dhinaca Koonfurueed 30 Km kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay

Kooxahan ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo ku hubeysan gaadiid fara badan oo nooca dagaalka ah, mana jirto dhibaato halkaasi laga soo sheegayo.

Sidoo kale Maliishiyooyin la sheegay iney ka tirsan yihiin Maxkamaddaha Islaamiga ayaa waabarigii saakay waxay la wareegeen magaalada Qansax Dheere ee gobolka Bay, halkaasi oo ay si nabadgelyo ah ula wareegeen, iyagoo fariisimo ciidan ay ka sameysteen gudaha magaalada iyo kontoroolada laga soo galo degmada Qansax Dheere.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Toll ayaa Saxaafadda u sheegay in maliishiyooyinkii shalay soo weeraray Xudur uu hoggaaminayey Yuusuf Maxamed Siyaad "Indha Cadde", isagoo ku eedeeyey weerarkii shalay ururka Al-Shabaab.

Degmooyinkan ay la wareegeen Maxkamaddaha Islaamiga iyo ururka Al-Shabaab ayaa xarunta Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Baydhabo ay u jiraan in ka yar 40 Km, iyadoo magaalada Bardaale 30-Km dhinaca koonfureed ay kaga beegan tahay magaalada Baydhabo, walow marka ay kooxahan la wareegaan gacan ku heynta degmooyinka aysan ku waarin oo saacado kadib ay dib ugu baxaan cabsi ay ka qabaan weeraro rogaal celis ah oo kaga yimaada maamulka degmooyinka iyo Dawlada Fadaraalka

 

Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons