 |
 |
 |
Afhayenka Hawiye |
 |
Afhayeenka beelaha
Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali |
Siyaasiga Hawiye |
 |
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan. |
New S.Y.L |
 |
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L
Cawaale |
|
Latest Update:
Thursday, December 13, 2007 4:21 PM
|
|
Qarax miino oo gaystay dhimasho
iyo dhaawac dad rayid ah oo ka dhacay Wadada 21 October.
june ,29.2008 (HawiyeNews.com)
Qarax xoogan ayaa waxaa goor
dhoweyd Wadada 21 October ku qabsaday Gaari yar oo dad rayid ah
saarnaayeen, iyadoona qaraxa uu ahaa Nuuca Miinada dhulka hoostiisa la
geliyo.
Qaraxan oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa warar kala duwan ay ka soo
baxayaan, iyadoona gaariga ay Miinada la kacday uu ahaa gaari nuuca
raaxada ah
Ilaa iyo hadda war lagama haayo tirada rasmiga ee ku dhimatay qaraxan
oo lala helay gaari yar oo dad rayid ah saarnaayeen sida ay ku soo
waramayaan dad goobjoogayaal ah oo ku sugan wadada 21 October ee
degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Qaraxani oo laga maqlay qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho ayaa
waxaa uu ku qaraxay gaari Corollo ah oo ay saarnaayeen dad rayid ah
kaasi oo la sheegay in dad ay ku dhaawacmeen walow wararka qaar ay
sheegayaan in dhimasho ay jiraan taasi oo aan la shegi karin inta ay
la eg tahay.
Wararka ayaa sheegaya in Qaraxan lala doonayay gaari ay wateen
Ciidamada Dowladda Soomaaliya balse daqiiqad ka hor markii gaariga
gudbay uu la kacay gaarigaas yar ee dadka rayidka saarnaa.
Muddo haatan laga joogo dhowr bilood ayaa Gaari ay saarnaayeen dadka
ka Ganacsada qaadka waxaa helay Miino wadadaas la geliyay waxaana ku
dhintay in ka badan 13 ruux oo u badan Dumar.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|
|
|