 |
 |
 |
Afhayenka Hawiye |
 |
Afhayeenka beelaha
Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali |
Siyaasiga Hawiye |
 |
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan. |
New S.Y.L |
 |
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L
Cawaale |
|
Latest Update:
Thursday, December 13, 2007 4:21 PM
|
|
Madax-weynaha Dalka
Iraan oo ka hadlay Xaalada dalka somaalia.
July ,30.2008 (HawiyeNews.com)
Madaxweynaha dalka Iran Maxamuud Axmedi Najad ayaa
dhibaatada baahsan ee ka jirta dalka Soomaaliya ku eedeyay dalal
waaweyn oo uu sheegay inay ku lug leeyihiin .
Madaxweyne Najad oo Furitaanka shirkii 15aad ee wadamada dhexdhexaadka
ka hadlay ayaa tibaaxay in xaaladaha ka aloosan dalalka
Soomaaliya,Afganistan,Ciraaq,Falastiin iyo Suudaan ay yihiin kuwa laga
shaqeeyay,oo ay maleegeen dalal uu ka gaabsaday inuu magacaabo.
Dowladaha waaweyn ee Caalamka waxay ku tartamayaan Kheyraadka Wadamada
waaweyn, waxaana ka mida dalalka Kheyraadkooda la rabo Sudan iyo
Soomaaliya" ayuu yiri Maxmuud Axmad Najaad oo ugu baaqay wasiirada
Arrimaha Dibadda ee dalalka dhexdhexaadka ah inay qaataan
mas’uuliyadda sidii lagu soo afjari lahaa dhibaatooyinka haysta
wadamada Soomaaliya, Filistiin , Afghanistan iyo Ciraaq.
Madaxweynaha dalka Iran ayaa sidoo kale ka hadlay eedeynta loo soo
jeediyey Madaxweynaha dalka Suudaan, wuxuuna sheegay inuu qaraarkaasi
yahay mid aan waxba ka jirin oo ku xadgudbaya qawaaniinta Caalamiga.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|
|
|