XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Shacabka Muqdisho oo u dabaak dagay Xilki qaadistii Maxamed dheere.

July ,30.2008 (HawiyeNews.com)

Kumanaan Somaali ah oo maanta banaanbaxyo balaraan oo lagu soo dhaweenayo Xilkii qaadistii ay Dowlda Federaalka ku sameysay Godoomiyihii Gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed dheere ayaa waxa uu ka dhacay qeybo ka mid degmooyinka Gobalka Banaadir iyo duleedka Magaalada Muqdisho.

Goobihii maanta uu Dibadbaxyada ka dhacay waxaa ka mid ah Degamooyinka /Xamar weyne ,Wadajir,Yaaqshiid,Xamar jab jab .degmooyinkaan ayaa waxaa ka dhacay banaan baxa lagu tageerayo Xilkii qaadistii lagu sameeyay Godoomiyaha Gobalka Banaadir Maxmed Cumar Xabeeb maxamed dheere oo wareegto kasoo baxday Xafiiska R/wasaare Nuur cade xilkii looga xayuubiye Islamarkaana xilkiisa si kumeel gaar ah loogu dhiibay ku xigeenkiisii arimaha Bulshada Max'eed Cusmaan Cali ‘dhagax tuur' .

Banaanbaxshaan ayaa waxa ay soo dhaweeyeen Godoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir Max'eed Cusmaan Cali ‘dhagax tuur' oo si ku meel gaar ah loogu magacaabay Xilkii laga xayuubiye Maxamed Cumar Xabeeb ‘Maxamed dheere ' .

Gudoomiyaha Degmada Yaqshiid ayaa manta meel fagaaro ah oo ay isugu yimaadeen Banaanbaxyaal tageeraye xilkii laga qaaday Maxamed dheere ayaa waxa u sheegay in ay dad weyna ay tageeraan Maamulka kmg ah ee Gabalka Banaadir ,isago shaagay in uu Maamulkiisa ay la shaqeyn Donaan Max'eed Cusmaan Cali ‘dhagax tuur' .

Sidoo kale waxaa Degmada X/weyne ka dhacay Banaanbax lagu tageerayo Xilkii laga xuyuubiye Maxamed dheere ayaa waxa kasoo qeyb galay Ciidanka Naafada Xooga Dalka Somaalia Islamarkaana ay soo dhaweyeen Cusmaan Cali ‘dhagax tuur' . oo haatan si kumeel gaar ah loogu dhiibay Xilkii Godoomiyanimada ee Gabalka Banaadir.

Cabadi Mahad Cali oo afhayeenka Ciidanka Naafada Xooga Dalka somaaliyeed ayaa saxaafada ugu warbixiyay in ay tageeranayaan Cusmaan Cali ‘dhagax tuur' islamarkaana uu ahaa ninka kaliya ee Maamulka Gobalka Banaadir iyo DF kaba oo ka warhayay xaalada Ciidanka Naafada Xooga dalka Somaaliya ,isagoo oo afhayeenka Dowlda faderaalka iyo ha'adaha Samafalka ugu baaqay in si deg deg ah ugu soo garaan Ciidanka Xooga Dalka Somaaliyeed .

Dhanaca kale waxaa maanta Banaan Bax balaaran ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho ilaa inta u dhaxeyso Degmada Afgooye ee Gbalka Shabeelada Hoose.

Banaanbaxaa ayaa ahaa mid lagu tageerayo Wareegtadii shaley kasoo baxayday Xafiiska Ra'isul wasaaraha DF taasi oo Xilka looga qaaday Godoomiyha Gobalka Banaadir Maxamed dheere ,iyadoo si KMG ah loogu dhiibay Cusmaan Cali dhagaxtuur ,iyadoo ay Dad weynaha kasoo qeyb kale banaanbaxasi ay aheeyeen kuwo intooda badan ay kasoo barakaceen Magalaada muqdisho ,islamarkaana ay qaar kood sheegeen in ay muqdisho ugu soo barakaceen Maxamed dheere ay haatan ku faraxsan yihiin xilki qaadistii lagu sameeye maxamed dheere ayna kasoo laabanayaa magaalada muqdisho waa sida ay hadalka u dhigayeen qaar ka mid ah dibad baxyaasaashi.

Sikastaba Banaax baxayaasha ka dhacay Degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho iyo Gobalka shabeelada hoose ayaa waxa ay kusoo beegmayaan xili Ra'isul wasaaraha DF Nuur xasan Xuseen Nuur cade uu qorsheenayo in gabi'ahaan uu xilka ka qaado masuuliyiinta DF ay hore ugu tirsanaa Ururkii Ladagaalanka Argaxasida ay midowga Maxkamadaha Islamaanka bur buriyeen horaantii bishii May ee 2006 ay kala wareegeen Gacan ku heyntii Magaalada Muqdisho.

 

 Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons