Ganansade Somaali ah oo
lagu dilay K/afrika.
July ,30.2008 (HawiyeNews.com)
toogasho ku dileen muwaadin soomaliyeed
isagoo ku suganaa Mehradiisa ganacsi ku taala tuulada lagu magacaabo
Qaraboow oo
90km
u jirta magaalada Cape town ee dalka
Koofur Africa.
Allaha u naxariistee Marxuumkaan ayaa magaciise la oran jiray nuur
cali jawac oo da,diisa aheed 25 jir isagoo ifka ugu tagay laba caruur
ah iyo haweenay uu qabay oo ay iyadana ay dhaawac u geesteen. kooxii
burcad ahaa xili ay joogta dukaanka uu saygeyda gado .
fartuun axmed oo aheed xaaska
marxuumka geriyowday ayaa waxa xabad ka haleeshay Madaxa iyo garabka ,sidoo
kale waxaa isgana ka badbaaday wiil marxuumka la shaqeenayo oo lagu
magacaabo
hilaal xirse oo
ay burcada isku dayeen in ay isaga
toogtaan balse tiisa ay wax ka dhineed .
Goobta uu
falka ka dhacay ayaa waxa soo gaaray Booliska
amaanka Dalka South Afrika iyadoo ay boolisk isku hareeyeen Goobta uu
falka ka dhacay ,iaygoo gacanta ay booliska ku dhigeen mid ka mid ah
Burcadii Falka geesatay islamarkaana ay saraakiisha sheegeen in gacan
ku dhiig lahaan ay soo saari doonaan
maxkamada ugu weyn magaalada cape
town
Muwaadiniinta Somaaliyeed ee ku dhaqan Dalka South Afrika ayaa
Canbaareyay Falka Dilka ay muwaadinkaan loo geestay ,iyagoo soo
dhaweeye Qabashii ay soo qabteen Booliska Mid ka mid ah burcadii Dilka
geesaty.
Qaxootiga Somaaliyeed ee ku nool Dalka South afrika ayaa walaac ka
muujinayo falalka dilka iyo Boobka ah o ay u geestaan Burcad madow ah
,kuwaasi oo cadeestay in ay toogasho ku dilayaa Soogalootiga ayna boob
u geesanayaa goobahowda ganacsiga.
Maa markii ugu horeysa oo Booliska
South afrika ay gacanta ku dhigaan Burcada falka geesato ,waana arin
dhiiro galin galisay muwaadiniinta Somaaliyeed ku nool Dalka South
Afrika.
Email:
hawiyenews@gmail.com
|