Xasan Cali Barre" Waxaan la yaabaa markan
idacadaha ka maqlo,aan maalno hasheena Maandeeq".
june ,30.2008 (HawiyeNews.com)

Xuska Munaasibadihii
maalmaha qaranka oo ku sii yaraanaya Muqdisho iyo gobolo kale ayaa
waxaa soo baxaya warar kale oo sheegayo in aan loo baahneyn xuska
maalmaha qaranka xiigaan la joogo oo lagu macneeyey xili wadfanku ku
jiro gumeysi .

Xasan Cali Barre “waxaan
la yaabaa marka idacaduhu ay shidaan heesaha ay kamidka yihiin aan
maalno hasheena maandeeq “ waxaan jirin hashii maandeeq waxaana cunay
gumesig dakla qabsaday waana ka tacisiyadeynayaa ,
26kii bishaan oo aheyd
maalintii la taagay calan somaliyeed ayaa la xusin warkeeda la isku so
qaadin waxaana sidoo kale ku lamanasaneyd maalintii ay Djabuuti
xornimadeeda ka qaadatay gumeystihii faransiiska ayaa la arag wax
tilmaan ah oo arimahaas lagu garan karo

Ayada oo arimahaasi ay
jiraan ayaa manta waxaa shir jaraid looga hadlay arimo badan oo ay ka
mid tahay arinta u dabaaldegida maalmaha qaranka oo ay dodi ka timid
in la xuso sida ay ka dhawaajiyeen qaar ka mid ah Xisbiga midnimada
jamhiiriga somaliyeed oo manta warsaxaafadeed ka soo saray xarunta
xisbiga ee Magaalada muqdisho ayaa umadda somaliyeed kaga
tacsiyedeeyey xornimadii ka gashay gacanta Etiopia .

Wakiilka abaabulka iyo
xiriirka gobolada ee xisbiga midnimada jamhuuriga somaliyeed Mudane
Xasan Cali Barre oo ku hadlayey magaca gudoomiyaha xisbiga midnimada
jamhuuriga somaliyeed Mudane Cabdinuur Axmed daraman ,golaha dhexe ,gudiga
fulinta ,
dhaman umada somaliyeed
waxaan halkaan uga tacsiyadeynayaa munaasibadii kowda lulyo oo la
waayey , maadaama xuriyadii aan lixdankii qadanay ay manta god gashay
oo manta cadow ku soo duulay uu gacanta ku dhigay sidaa daraadeed ma
dhihi karno waa u dabaaldagaynaa kowda luulyo ee taa bedelkeeda waxaan
leenahay shacabka somaliyeed ee geedaha hoostooda daadadku ku
qaadayaan halka qarna ay ku dhamadeen halista madaafiicda iyo xabadaha
iyada oo ay dheertay tan bahalada iyo badaha kuwa ku dhamaanaya .

Shacabka u cararay
wadamada aan dariska nahay iyo kuwa adunka oo dhan kuwa joogo ayuu
xisbigu tacsi tiiraanyo leh hawada u marinayaa ayaa lagu yiri shirka
jaraid ee manta uu qabtay xisbiga midnimada jamhuuriga somaliyeed ee
uu madaxda ka yahay Mudane Cabdi Nuur Darman oo horey u sheegtay in uu
yahay madaxweynaha sharciga ah ee uu leeyahay dalka somaliya oo aan
waayadaan hadalheyntii madaxweynenimadiisu ay sii yaraatay
Waxaa kale oo laga so
saaray baaq loo soo jeediyey umada somaliyeed ee sida uu sheegay
cadowgu ku fadhiistay baaqa ayaa lagu yiri umada somalyeed ha u dadiso
dhiigeeda sidoo kale wuxuu cambaareeyey xisbigu dagalka ka socdo
gobolada galgudud iyo kii xalay ka dhacay guri ceel

Umada somaliyeed ee
calankeedii , ciideedii , sharafteedii iyo karaamadi ay laheyd ku
weysay cadowga dalkeedii qabsaday ayaa looga tacisyadeeyey arimahaas
xasaasiga ah waxaana dadka somaliyeed ee ka dhiidhiyey loogu
bogaadiyey sida sharafta leh ee ay ula dhaqmeen markii la soo weeraray
dalkoda waxaana sido kale loogu baaqay in ay sii wadaan iska
caabintooda
Dhanka kale waxaa lagu
yiri shirkaan jaraid dadka ay ku dacayaan madaafiicda laga rido
tangiyada iyo kuwa ka dhacay madaficda kala duwan in ay ku sabraan oo
ay tahay arintani mid ka timid xaga eebe lagana bixi doono lagana
doonayo in ay u dulqaataanaa

Sanadkii tagay xiligaan
oo kale magaalda muqdisho waxaa saarneyd bandow waxaana jirtay in
habeenkaas calanka laga taagay xarunta madaxtooyada oo uu goob jooge
ka haa madaxweynaha Dowlada fadaraalka KMG somaliyeed halka aan caawa
la soo hadal qaadin basle mar aan weydiiyey afhayeenka DF wuxuu ii
sheegay in uu jiro xuska maandeeq hase yeeshee ma jiraan wax diyar
garow ah oo aan ku aragnay gudaha Magaalada sidoo kale lama haayo wax
calaamado ah oo muujinayo in ay tahay maalin qarameed la xusayo ,

dadka shacabka ah ayaa
ku mashquulsan gudaha xeryaha dadka ka barakacay guryahoodii kuwaas oo
aan heysan hoy ,go, iyo meel ay ka galaan robabka xiligoodii lagu guda
jiro mana tabayaan kowda luulyo iyo malin qaran midna sida ay sheegeen
qaar ka mid ah madaxda xisbiga midnimada jamhuuriga somaliyeed
Email:
hawiyenews@gmail.com
|